Lama Shaacin Ujeeddada Wufuuddan labada dhinac ka socotaa u tageen Nairobi, balse sida ay sheegayaan wararka laga Helayaa, waxa lagu wadaa in labada dhinac uu u furmo wada-hadal aan rasmi ahayni.Ajandaha labada dhinac ka wada Hadlayaan ma aha mid saxaafadda soo gaadhay, balse waxa ay u badan tahay in wax la iska weydiiyo arrimaha Gobolada Bariga Somaliland oo ay Maamulka Puntland ku tilmaamaan Goobo lagu muransan yahay.
Madaxweynaha Maamulkka Puntland ayaa saaka Safar Kadis ah ku tegay Magaalada Nairobi, waxana la filayaa inay la kulmaan waftigaas dhinaca Somaliland ka socda oo iyagu habeenkii xalay Halkaas gaadhay.
Somaliland iyo Puntland ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey lahayn wax xidhiidh ah oo wanaagsan, waxana Xiisadda ka taagaan Deegaanada Bariga Sanaag iyo Koonfurta Sool ay abuureen xiisad iyo jawi colaadeed oo gaadhay inay Puntland si cad ugu dhawaaqdo inay dagaal diyaar u tahay.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment