Marwo Xaliimo Cismaan Raage ayaa todobaadkii hore ciidamo boolis ahi ka kexeeyeen iyada oo ku sugan meherad ah ku leedahay suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa, illaa immikana ciidamada boolisku si rasmi ah uma shaacin dambiga loo haysto. Haseyeeshee, xubno ka tirsan saraakiisha xisbiga oo maalintii la xidhay xabsiga ku booqday, ayaa sheegay in taliyaha Saldhigga Dhexe ee Hargeysa u sheegay inaanu garanayn dambiga loo haysto, balse amarka xadhiggeedu kaga yimi madaxda ka sarreysa.Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga UCID oo shalay warbaahinta kula hadlay Hargeysa, ayaa xukuumadda ku eedeeyey inay xadhigga madaxda UCID iyo saxaafadda ku marin-habaabinayso wax uu ku tilmaamay baylah ka muuqata maamulkeeda oo ay dadweynaha ka jeedinaysa, waxaanu sheegay inay dacwad la xidhiidha xadhigga madaxda UCID u gudbiyeen Ururrada Caalamiga ah ee Xuquuqal-Iinsaanka
“Waxaan halkan ka sheegaynaa inaanu ururrada Xuquuqal-iinsaanka u gudbinnay xadhigga lagula kacay Xaliimo Raage, maanta (shalay) London bay ku shirayaan oo arrin bay ka shirayaan, jawaabta ay ka soo bixiyaanna waad arki doontaan, laakiin uma dul-qaadan doono sharci-darrada xukuumaddu ku hayso shacbiga Somaliland, Xisbiga UCID iyo saxaafadda Madaxa-bannaan,” sidaa waxa yidhi Xog-hayaha warfaafinta ee xisbiga UCID Yuusuf Keyse Cabdilaahi, waxaanu intaas raaciyey, “Waxaanu adduunweynaha u sheegaynaa inaanay xukuumadda Somaliland dheg-jalaq u siinayn Xeerarka iyo shuruucda dalkani ku kala hagmo,” ayuu yidhi.
Waxa uu Xukuumadda ugu baaqay inay shuruud la’aan xoriyaddooda ugu celiso Madaxda Xisbiga UCID iyo dad kale oo loo xidh-xidhay magaca xisbiga.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment