Wednesday, July 30, 2014

Al-shabaab Oo Saaka Gabadh Dhallinyaro ah Ku Toogtay Sabab ka Yaabisay Dadka Shacabka ah

Jamaame:July,30,2014(Himilo)-Kooxda Islaamiga ah ee Al-shabaab, aya Maanta dil ku fulisay Gabadh dhallinyaro ah oo ay ku eedeeyeen inay diiday qaadashada Xijaabka.

bastooladGabadhan ayaa lagu toogtay Gegmada Jamaame ee Gobolka Jubadda Dhexe, waxana dilku dhacay markii  gabadhani ka hortimi amar kooxda Al-shabaab siisay.

Laba nin oo ka tirsan dagaal-yahanada Al Shabaab, ayaa waxay saaka arkeen gabadh fadhiday ilinka hore ee gurigooda, waxayna ku amreen inay soo xidhato xijaab, hase ahaatee gabadha oo ka diiday, ayaa waxaa la sheegay inay karbaash la dhaceen.

Goobjooge, ayaa wuxuu sheegay inay la qabsatay karbaashkii ay wateen, markii dambena ay madaxa kaga dhufteen bastoolado ay ku hubeysnaayeen raggaasi.

Dilka gabadhan oo ka dhacay deegaanka Baqdaad ee Degmada Jamaame, ayaa waxaa la soo sheegayaa inay goobtaasi ka taggeen labadii nin ee gabadha dishay.

Gabadha la dilay oo magaceeda lagu soo koobay Farxiya, ayaa waxaa isla maanta lagu aasay deegaanka Baqdaad, iyadoo aanay jirin wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Al Shabaab.

Arbacadii la soo dhaafay, ayay ahayd markii Al Shabaab ay xukun dil ah ku fulisay gabadh kale Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay, markii ay ku eedeeyeen basaasnimo.

 

 Himilo Media

No comments:

Post a Comment