Gabiley, 22 July, 2014 (Himilo)- Fadhi ay shalay yeesheen Mudaneyaasha Golaha Deegaanka magaalada Gabiley, ayaa laga soo saaray qaylo-dhaan ka dhan ah abaaro ka taagan deegaamo hoos-yimaadda degmada Gabiley oo shacabka ku dhaqan laga cabsi qabo inay biyo-la’aan u geeriyoodaan.

Maayarka magaalada Gabiley Shucayb Maxamed Muuse oo gebo-gabadii kulankaas warbaahinta faahfaahin ka siiyey ujeeddada fadhigooda, ayaa sheegay in abaaro ba’an ka taagan yihiin qaybo ka mid ah deegaamada hoos-yimaadda degmada Gabiley, kuwaas oo uu sheegay inay ka cabsi qabaan in shacabka ku dhaqan deegaamadaasi u geeriyoodaan biyo-la’aan.
“Golaha deegaanka Gabiley waxa uu fadhigooda ka dooday waxyaabo masuuliyaddooda ah. Abaaro baahsan ayaa ka jira gobolka Gabiley qaybo ka mid ah. Abaaraha oo isugu jira Biyo-la’aan iyo baad-la’aan, ta ugu daran ee immika jirtaa waxa weeye biyo-la’aanta. Goluhu fadhigiisa wuxuu ku go’aamiyey in gurmad deg-deg ah loo fidiyo dadka abaaruhu saameeyeen iyo in guddiyo ka tirsan Goluhu ay si deg-deg ah u baxaan,” ayuu yidhi Maayarka Caasimadda Gabiley, waxaanu intaas ku daray, “Qodobka ugu muhiimsan ee goluhu go’aanka ka gaadhay waxa weeyaan in dadkooda abaaraha iyo biyo-la’aantu ku habsatay boqol booyadood oo biyo ah inta ay ka gaadho.”
Maayarka magaalada Gabiley, waxa uu ugu baaqay qabaha kala duwan ee bulshada gobolka, Xukuumadda iyo hay’adaha inay gurmad deg-deg ah oo ay kaga qayb-qaadanayaan abaaraha ku habsaday qaybo ka mdi ah gobolka Gabiley.
“Waxa uu goluhu u sheegayaa cid kasta oo ka qayb-qaadanaysa, gudo iyo dibad iyo xukuumadda, in gurmad deg-deg ah oo laxaad leh lala soo gaadho dadkaas dhibaatadu soo gaadhay oo aanu ka cabsi qabno inay biyo-la’aan u dhintaan,” ayuu yidhi Maayarka degmada Gabiley.
Fadhiga golaha Deegaanka Gabiley shalay isugu yimaaddeen oo ay ka maqnaayeen tiro ku dhow kala badh mudaneyaasha Golahaas oo tiradoodu tahay 21 xubnood, ayaa noqonaya fadhigii u horreyey ee ay yeesheen ka dib khilaaf saamayntiisu dawladda Dhexe gaadhay oo ka dhex-aloosmay maamulka golaha iyo mudaneyaasha qaarkood oo doonayey inay xilka ka qaadaan Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Gabiley.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment