Deeqdan Timirta iyo Kutubka Qur’aanka Kariimka ah isugu jira waxa ku deeqday Xarunta lagu magacaabo Jaahir Bin Xaq oo ku taala dalka Yemen oo taageero ka heshay Mu’asasad ku taala dalka Qadar oo ku deeqday Timirta ay sideen labada diyaaradood.Munaasibad lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee Hargeysa oo Deeqdan lagula wareegayey, waxa ka qayb-galay Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed iyo wakiillo ka socday Mu’asasadda Jaahir Bin Xaq ee dalka Yemen.
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi oo halkaas ka hadlay, ayaa sharraxaad ka bixiyey deeqdan iyo cidda loogu talo-galay inay la gaadhsiiyo
“Waxaanu saaka halkan u nimi inaanu kala wareegno laba diyaaradood oo Timir hordhac oo ah Shan Tan iyo 1000 kun Kitaab oo Qur’aanka Kariimka ah oo ay ugu talo-galeen inay dadka Soomani ka faa’idaystaan. Annaguna waxaanu halkan uga mahad-celinaynaa mu’asasadaa la yidhaahdo Jaahir Bin Xaq oo nin Yemeni ah uu leeyahay oo horena dalka u yimi, waxa uu soo diray Kunkaa Kitaab ee Qur’aanka Kariimka ah iyo Timir uu ka soo qaaday mu’asadda Maxamed Bin Jaasir oo dalka Qadar laga leeyahay. Waanu uga mahad-celinaynaa kheyrkaa iyo wanaaaggaa uu dadka Muslimiinta ah ee walaalahooda Somaliland soo gaadhsiiyey ee Sooman gaar ahaan gobollada Bariga ee Laascaanood iyo Buuhoodle,” ayuu yidhi Wasiirku, waxaanu intaas raaciyey, “Waxaanu rejaynayaa kuwa kale ee ugu talo-galayna inaanu gaadhsiin doono gobollada kale inta ay gaadho.”
Waxa kale oo halkaas ka hadlay wakiillada metelayey mu’asasadda Jaahir Bin Xaq oo sharraxay sida ay ugu faraxsan yihiin ay deeqdan soo gaadhsiiyaan walaalahooda Sooman ee ku dhaqan Somaliland.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment