Agaasimaha Guud waxa uu sheegay in bilashada Bisha Shuwaal laga arkay deegaamo ka tirsan Somaliland oo ay ka mid tahay magaalada Boorame ee xarunta Gobolka Awdal, waxaanu shacabka Somaliland iyo umadda Muslimiinta ah u rejayeeyey in Eebbe ka Aqbalo Cibaadadii iyo Soonkii ay soo guteen bisha Barakaysan ee Ramadan.Shacbiweynaha Caasimadda iyo dhammaan gobollada dalka, ayaa Berri u dareeri doono tukashada Salaadda Ciidul-fidriga, waxaana kala qayb-gali doono masuuliyiinta laamaha kala duwan ee dawladda.
Ciiddan, ayaa noqonaysa markii u horreysa ee Madaxweyne Siilaanyo muddadii uu xilka hayay aanu shacabka Somaliland gaar ahaan reer Hargeysa la wadaagin dabbaal-degga farxadda Ciidda, isaga oo sannadkan la Ciidaya Jaaliyadda Somaliland eek u dhaqan dalka Ingiriiska Gaar ahaan magaalada London.
Ku-simaha Madaxweynaha ahna madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, ayaa la filayaa inuu shacabka magaalada Hargeysa kula tukado salaado Ciidul-Fidriga Masjidul-Jaamica Caasimadda.
Haddaanu nahay Bahda Himilo Media Group, waxa aanu dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo Akhriysteyaashayada ku xidhan boggan leenahay Ciid Wanaagsan, Eebbe ha innagu gaadhsiiyo sannadkan, sannadkiisa Caafimaad-qab, bash-bash iyo barwaaqo.
Eebbe Waxa aynu ka baryeynaa dhammaanteen inuu innaga Aqbalo kheyrkii aynu bisha Ramadan habeen iyo maalin u taagnayn, Eebba-na ha innaga dhigo kuwii ku camal-fala camalkii aynu shaqaysanaysa bisha Barakaysan ee Ramadan. Aamiin...
Himilomedia.com
Hargeysa/Somaliland
No comments:
Post a Comment