Tuesday, July 15, 2014

Ethiopian Airlines oo bilowday Duullimaadyo ay si maalinle ah isaga Dhex-gooshayso Addis Ababa iyo London

Madaxweyne Siilaanyo iyo Weftigiisa oo Qayb ka ah Rakaab ay Shirkaddu ku bilaabayso Duulimaadkeeda Cusub

 

Addis Ababa, 15 July, 2014 (Himilo)- Shirkadda Diyaaradaha Ethiopian Airlines, ayaa shaaca ka qaadday inay bilaabayso duullimaadyo maalinle ah oo isaga dhex-gooshayso magaalooyinka Addis Ababa iyo London, kuwaas oo ay si rasmi ah u xadhigga u jarayso gelinka dambe ee maanta, sida uu shaaciyey Guddoomiyaha Guud ee shirkadda, Tewolde Gebremariam.

ETHIOPIAN 767 VS883_933“Waxaanu ku faraxsannahay inaanu macaamishayada u bilownay adeeg duullimaad oo aanu ku tagayno magaalada London oo ka mid ah meelaha noogu muhiimsan ee aanu gaadhno,” sidaa waxa yidhi guddoomiyaha shirkadda Ethiopian Airlines, isaga oo intaas ku daray in qorshaha lagu suurta-galiyey duullimaadyadani ay fursad ay wakhtigoda beekhtikaaminaysa macaamiishooda ganacsataa ah.

Duullimaadyada maalinlaha ah ee ay ka dhex-bilowday London iyo Addis Ababa oo ay u dheertahay adeegyo maalinle ah oo ku gaadho 49 waddan oo qaaradda ah, shirkadda Ethiopian Airlines waxa ay ballan-qaadday inay wakhtiga ugu gaaban ee duullimaadyada ugu adeegto macaamiisheeda.

Dhinaca kale, wefti uu hoggaaminayo madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo dorraad u amba-baxay socdaal shaqo oo ay ku tagayaan dalka Ingiriiska isla markaana wakhtigan ku sugan magaalada Addis Ababa ee Ethiopia, ayaa la filayaa inay ka mid noqdaan rakaabka ugu horreeya ee shirkadda Ethiopian Airlines ku bilaabayso duullimaadyo maalinlaha ah ee ay ka dhex-biloday Addis Ababa iyo London.

 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment