Sarreeye Gaas Ismaaciil Maxamed (Shaqalle) oo qoraal uu warbaahinta ugu talo-galay kaga hadlay go’aanka ay isu-soo-dhiibeen Askarta hore uga tirsanaa Khaatumo, ayaa sheegay inay yihiin dhalinyaro la yaah-wareeriyey oo dhow bilood ka hor laga ururiyey degmada Ceegaag ee gobolka Saraar.Qoraalka Taliyuhu kaga hadlay Maleeshiyo-beeleed isu-dhiibay ciidanka, ayaa u qornaa sidan: “Abaarro 1:30 maanta waxa isu soo dhiibay Taliska ciidanka qaranka ee Jiida Gambadha ee gobolka Sool, 20 askari oo hubkoodii wata oo ka soo goostay Puntland.
Ciidankan oo ah dhalinyaro been loo sheegay oo dhawr bilood ka hor laga ururiyay degmadda Ceegaag ee gobolka Sool, ayaa gartay in kooxaha nabad-diidku ay jaho-wareeriyeen, sidaas daraadeed ay ku soo noqdeen dalkoodii kuna dhiiradeen inay ku biiraan Ciidanka qaranka JSL, iyagoo ku boorinaya inta ka hadhay tallaabadaasi caafimaadka qabta,” ayuu taliyuhu ku yidhi qoraalkiisa.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment