Safarkii Madaxweyne Siilaanyo oo Iftiimiyey khilaaf mar kale ka Dhex-dilaacay isaga iyo Madaxweyne Ku-xigeenka iyo dhacdooyinkii ku xeernaa
Hargeysa, 15 July, 2014 (Himilo)- Safarkii Madaxeynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axaddii toddobaadkan ugu baxayey dalalka Itoobiya iyo Ingiriiska, ayaa iftiimiyey khilaaf mar kale ka soo dhex cusboonaaday Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka, ka dib markii uu Madaxweyne Ku-xigeenku Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) uu muddo saacado ah ka soo xaadiri-waayey garoonka diyaaradaha Cigaal ee uu Md. Axmed-Siilaanyo ka baxayey.
Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan-Saylici, ayaan muddo laba saacadood ku siman oo Madaxweynaha iyo Masuuliyiinta kale ee dawladdu ku sugnaayeen Garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa ay Madaxweynaha iyo Weftigiisu ka baxayeen, isla markaana ka hor bixitaankiisa uu Madxweynuhu xadhigga ka sii jaray dhismaha loo sameeyey Xarunta Wasaaradda Duulista Hawada oo garoonka laga ag-bineeyey iyo goobo ka tirsan gudaha garoonka diyaaradaha oo dib-u-habayn lagu sameeyey.

Waxa uu Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) yimi Garoonka Diyaaradaha isagoo aanay wejigiisa furfurnaan iyo dhoolla-caddayn midna ka muuqannin, waxaanu markii uu Masuuliyiinta dawladda ee Madaarka ku sugnaa qaarkood sal-salaamay fadhiistay qolka Madaxda ee Madaarka, waxaana isagoo halkaas fadhiya kormeerka ka soo laabtay Madaxweynaha, isla markaana ay Madaxweynaha iyo Masuuliyiinta kale ee dawladdu ugu galeen iyo weliba Warbaahintu, markaa ka dib ayay Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenku qolka nasashada ka wada baxeen oo uu Madaxweynaha oo Madaxweyne ku-xigeenku garab-taagan yahay Salaan Sharaf ka wada qaateen Ciidanka Qalabka Sida ee Madaarka ugu sugnaa bixinta salaantaas awgeed.
Markaa ka dib, waxay ku soo wada-laabteen Qolka Nasashada Madaxda ee Madaarka, halkaas oo uu Madaxweyne Siilaanyo Warbaahinta ugaga warramay ujeeddada Safarka uu diyaarka u ahaa markaa inuu ugu baxo waddamada Itoobiya iyo Ingiriiska. Markii uu Madaxweynuhu Warbixintiisa dhammaystay, isla markaana ka jawaabay dhawr su’aalood oo ay Weriyeyaashu weydiiyeen ka dib, waxa Hoolka Nasashada ee Madaarka dibedda looga saaray dhammaan Suxufiyiintii ka kala socday qaybaha kala duwan ee Hay’adaha Warbaahinta dalka ee halkaas ku sugnaa, iyadoo aanay weli markaas soo fadhiisan Diyaaradda qaadaysay Madaxweynaha iyo Weftigiisa.
In kasta oo markaa Saxaafadda dibedda loo saaray wixii ka dambeeyey war rasmi ah laga haynin, haddana, waxay ila-wareedyo Wargeyska Himilo soo xigtay tibaaxeen inay halkaas isku sii arkeen Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), isla markaana si halkaas isku macasalaameeyeen iyaga oo midba midka kale tabashadiisa kala hadlay sida warku tibaaxay iyaga oo ay weheliyaan qaar ka tirsan Wasiirrada Xukuumadda, isagoo markii uu halkaas ku sagootiyey Madaxweynaha dib ugu soo laabtay gudaha magaalada.
Marar badan oo hore ayay is-khilaafeen Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo arrimo maamul iyo kuwo gaar ahba isku qardoofay, kuwaasoo haddana markasta xal loo helayey lana dejinayey xiisadda khilaaf ee hadba soo dhex-gasha oo qaarkood si weyn dibedda ugu soo baxeen, Warbaahintuna aad u qaadaa-dhigtay.
Hase-yeeshee, khilaafkan uu Safarka Madaxweyne Siilaanyo ee Axaddii toddobaadkani muujiyey, ayaa u muuqda mid huursan oo aan si la wada ogyahay dibedda ugu soo bixin, balse uu Safarkani iftiimiyey in ka mid ah.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment