Sunday, July 20, 2014

Ku-simaha Madaxweynaha oo Shacabka ka Tacsiyadeeyey Garaad Cabdilaahi Garaad Soofe oo ku geeriyooday Buuhoodle

Hargeysa, 20 July, 2014 (Himilo)- Madaxweyne ku xigeenka ahna ku simaha Madaxweynaha Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa bulshada Somaliland, Madax-dhaqameedka, qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay ka tacsiyadeeyey Alle ha u naxariistee Marxuum Garaad Cabdilaahi Garaad Soofe Duraan oo shalay ku geeriyooday magaalada Buuhoodle.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland waxa uu si gaar ah uga tacsiyeeyay geerida marxuumka Wasiir ku-xigeenka Maamulka gobollada iyo degmooyinka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Md Cismaan Garaad Soofe oo marxuumka ay walaalo ahaayeen.

gsoofeWar-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Afhayeenka madaxtooyada oo lagu faafiyey dhambaal tacsi ah oo madaxweynuhu u diray Bulshada Somaliand, ayaa u qornaa sidan: “Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland, ahna ku simaha Madaxweynaha Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxa uu tacsi u dirayaa Garaadada, Ugaasyada, Sulaadiinta, Cuqaasha iyo Shacbiga Somaliland meel ay joogaanba isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Garaad Cabdillaahi Garaad Soofe Duraan oo ku geeriyooday 19.07.2014 Gobolka Buuhoodle.

Sidoo kale waxa uu Madaxweyne ku xigeenku Tacsi taasi la mid ah u dirayaa Mudane. Cismaan Garaad Soofe Wasiir ku xigeenka  Maamulka Gobollada iyo Degmooyinka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland iyo Qoyskii, Qaraabadii, Ehelkii iyo Asxaabtii uu ka baxay Garaadku.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu  Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Garaadada, Ugaasyada, Sulaadiinta, Cuqaasha, Shacbiga Somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, iyo Asxaabtii uu ka baxayna Samir iyo Imaan saadiqa ALLE inaga siiyo dhamaanteen.”

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment