
Is-rasaasayn sababtay dhaawaca laba Askari oo ka tirsan degmada Sallaxley, ayaa dorraad duleedka Koonfur-Bari ee magaalada Hargeysa, gaar ahaan deegaanka Qalax oo ka tirsan tuulada Toon, ku dhexmaray maamullada labada degmo oo labadoodu sheeganaya in gole deegaan ahaan maamulkooda uu hoos yimaaddo deegaanno ka tirsan Koonfurta-Bari ee Caasimadda Hargeysa.
Hoggaanka Golaha deegaanka Hargeysa iyo xildhibaannada golahaas oo dhinac iyo maamulka sare ee golaha deegaanka Sallaxley, ayaa wasiirka Arrimaha Guduhu shalay isugu yeedhay si khilaafka jira xal loogu helo, haseyeeeshee Maayarka degmada Sallaxley iyo xildhibaanno la socday, ayaa isaga baxay fadhiga, ka dib markii buuq ka dhashay .
Maayarka degmada Sallexlay Ismaacil Yuusuf Xuseen (Shiine) oo warbaahinta u warramay shalay markii kulankaasi ay isaga soo baxeen, ayaa dhalleecayn u jeediyey Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Ciidanka Booliska oo labadoodaba uu ku dhaliilay xil-gudasho la’aan dhinaca awoodaha maamul ah iyo wax ka qabashada xurguf dhexmartay ciidamo boolis ah oo ka kala tirsan Dawlaha Hoose ee Hargeysa iyo Sallaxley.
“Nasiib-darro, Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo iyadu lahayd qiimaynta ama baadhista sharcigaas, ayaa iyadu kow ka ah muranka sii socda iyo dhibaatada meesha ka dhacdayba.
Wasiirka arrimaha Guduhu wuxuu ka adkaan waayey inuu maamulo xafiiskiisa, annaguna waanu isaga soo baxnay,” ayuu yidhi Maayar Shiine oo shalay la hadlay warbaahinta.
Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Waa kale oo aanu cambaaraynaynaa masuuliyiinta hoggaamka booliska oo iyagu aan waxba ka qaban falkii hore ee xildhibaanka lagu toogtay, falkii shalay (dorraad) lagu toogtay askari dawladda hoose ee Sallexleyna aan waxba ka qaban. Markaa arrintani waxa ay u egtahay arrin lagu heshiiyey oo dhul boob-nimo ah oo ay u dhan yihiin ciidannka booliska, wasaaradda Arrimaha gudaha iyo dawladda Hoose ee Hargeysa.”
Maayar Shiine oo la weydiiyey sababta ay uga soo baxeen kulanka wasaaradda Arrimaha guduhu u qabatay labada dhinac, waxa uu ku jawaabay, “Shirkan waxa aanu ka soo baxnay markii buuq iyo qaylo ka dhalatay xafiiska gudihiisa ee wasiirku maamuli kari waayey, kuwii kalena inay soo baxeen baan filayaa, wax go’aan ah oo ka soo baxyna ma jiraan, inta uu caynkaas yahayna, waxa go’aan ah oo ka soo baxayana anigu garan maayo,” ayuu yidhi Ismaaciil Yuusuf Xuseen.
Isaga oo ka hadlayey, khasaaraha ka dhashay Ismaan-dhaafka labada maamul dhexmaray, waxa uu yidhi, Hal Askari wuxuu ka dhaawacmay cag oo wuu jaban yahay oo cusbitaalkuu yaallaa. Hal askari oo kalena nabar baa dhabarka lagaga dhuftay, baabuurkayagii lambarka dawladda lahaa waa la rasaaseeyey, cid wax ka qabatayna ma jiraan.”
Dhinaca kale, maamulka golaha deegaanka Degmada Hargeysa oo aanu isku-daynay inaanu la xidhiidhno si aanu doodda dhinacooda ah wax uga weydiinno, ayaan noo suurta-galin. Sidoo kale, waxaan noo suurto-galin inaanu wax jawaab ka helno xidhiidh aanu la samaynay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, gaar ahaan Wasiir ku-xigeenka maamulka gobollada iyo degmooyinka.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment