Hoggaamiye Abubakar, ayaa ugu baaqay dadka islaamka ah inay usoo safraan Dalalka ciraaq iyo Syria si ay uga qayb noqdaan Dawladda Islaamig ah ee ay Kooxda ISIS ku dhawaaqday inay dhisayaan.Fariin cod ah uu soo duubay ayuu Abubakar al-Baghdadi ku sheegay in ay muslimiinta waajib ku tahay in ay soo aadaan oo ay ka caawiyaan sidii loo yagleeli lahaa dal islaami ah oo muslimiinta dunidu aanay kala sheegan karin.
Wuxuu si gaar ah baaqa ugu diray Garsooreyaasha, dhaqaatiirta, Injineerada iyo dadka aqoonta u leh arrimaha milateriga iyo maamulka Dawlanimada.
“Muslimiintay imaada dalkiina, idinkaa iska leh. Syria malaha Suuriyintu, Ciraaq malaha Ciraaqiyintu!’’, ayuu ku sheegay farriintiisa.
Dhinaca kale wuxuu usoo jeediyey dagaalyahanada kooxda ee ka dagaalamaya Syria iyo Ciraaq in ay kordhiyaan weerarada inta lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.
Kooxda ISIL ayaa kamid ah kooxaha tirada badan ee sheega inay dhisayaan dowlad Islaami ah, balse kooxdan ayaa guulo waaweyn ka gaadhay dagaalada ka socda Ciraaq iyo qeybo kamid ah Siiriya, wallow aan la aqoon sida ay warkan usoo dhaweyn doonaan kooxaha kale sida AL Qacida oo hore kooxda ISIL ka saartay shabakadeeda mideysa ururada hubeysan ee ka dagaalama caalamka islaamka.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment