
Madaxweyne Siilaanyo iyo Waftiga la socday ayaa laga Yaabaa inay Muddo ku sugnaan Doonaan Dalka Ingiriiska, maadaama uu hore u sheegay inuu fasax gaaban kaga Ambabaxay dalka.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa hadal kooban oo uu ujeeddada safarkiisa iyo mahadnaqa Bulshada soo dhaweysayba ku sharraxayo halkaas ka jeediyey, waxana hadalkiisii ka Mid ahaa,
“Farxad weyn bay noo tahay aniga iyo waftiga ila socdaba inaad maanta halkan nagu soo dhaweysaan, safarkani waa safar gaaban oo fasax ah oo aan doonaya inaan Halkan kula qaato dadka reer Somaliland, waxana aanu soo marnay Dalka Ethiopia oo si fiican naloogu soo dhaweeyey waxana aanu ka wada Hadalnay Danta labada Dal, Muddadaas aan Joogana fursad baan u heli doonaa Bulshada reer Somaliland ee Halkan ku dhaqan,” ayuu yidhi Madaxeyne Siilaanyo oo la Hadlay Shacabkii Halkaas ku soo dhaweeyey.
Madaxweynaha Somaliland ayaa la filayaa inuu Dalkaas ku sugnaan Doono Ilaa Ciidda Ramadaan, maadaama uu fasax ka galay Hawlihii uu qaranka u hayey, waxana laga yaabaa in muddadaas uu joogo uu kulamo kala duwan la yeelan doono bulshada kala duwan ee Halkaas ku dhaqan.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment