
Hawl-gallada Milatariga Pakistan ka fulinayaan gobolkaas, waxa ay sababtay inuu ka baxsado Guri 35 qol ka kooban oo ku yaala tuulada SHAWA ee gobolka North Waziristan oo ay ku wada-noolaayeen 100 xubnood oo Qoyskiisa ah oo ay ku jiraan Xaasaskiisa, Carruurtiisa iyo Carruur uu awow u yahay.
“Lacagtii aan keydsaday waxay ku baxday inaan qoyskayga u raaro Tuulada Bannu, waxaanan immika bilaabay inaan urursado lacag kale si aanu u aan u gaadho yoolkeyga,” ayuu yidhi Odaygan oo ka warbixiyey saamaynta dagaallada Taliban ku kala kiciyeen Qorshe uu ku doonayey inuu ku guursado Haweenay Afraad.
In kasta oo Diinta Islaamku u oggoshahay inuu yeesho Xaas Afraad, isaguna uu danaynayo in tafiirtiisu badato, haddana Mr Khan waxa uu ku sababeeyey guurka uu mar kale u holladay cadaadis kaga yimi xaasaskiisa oo u ku war-geliyey inaanay sii wadi karin dhalmada ubad kale.
“Waxaan qorshaynayey inaan yeesho Xaas Afraad maxaa yeelay xaasaskayga ayaa icuno qabateeyey iina sheegay in aanay doonayn inay dhalaan ubad kale.
Iima ogola inaan u dhawaado, laakiin rabitaankaygu waxa uu yahay inaany fuliyo damacayga,”ayuu yidhi Mr Khan.
Mr Khan waxa uu ahaa 17-jir markii loo guuriyey Inaadeer-tii Shawa oo 14-jir uu kula aqal-galay. Waxay ay Isku dhaleen Siddeed Hablood iyo Afar Wiil, laakiin Siddeed sanno ka dib, waxa uu haddana guursaday xaaskiisa labaad iyaga oo 17-jir ah.
“Kumaan qanacsanayn intaas waxaanan u baahday inaan ka sii badiyo – waxaan u jeedaa Jacaylak,” ayuu yidhi Khan oo wakhti uu ku sugnaa guri 17 qol ah oo ku yaala tuulada Bannu ugu warramayey wariiye ka tirsan wakaaladda wararka ee AFP.
Guurta saddexaad ee Mr Khan ayuu ku yimi ka dib markii uu dumaalay haweenay uu ka qabay walaalkii oo ku geeriyooday dagaal dhexmaray qabiilkiisa iyo beel kale, wakhtigaas oo ku beegnaa hal bil ka dib markii uu guursaday Xaaskiisa labaad.
Laba ka mid ah wiilashiisa ayaa taksiilayaal ka ah magaalada Dubai, kuwaas oo lacagta ay u diraan kaalin weyn kaga jirto nolol-maalmeedka Qoyska.
“Innamadaydu waxa ay bil walba ii soo diraan 500 Dollar oo aanu dhammaantayo kuwada tiirsanahay,” ayuu hadalkiisa raaciyey.
Khan waxa uu sheegay inaanu jirin wax muran ah oo dhexmara saddexiisa xaaska oo dhammaantood kuwada nool hal guri, laakiin waxa uu qiray inuu muddo dheer la soo halgamayey inuu kala saaro Carruurta iyo hooyada dhashay.
“Waxaan kuu sheegi karaa inuu yahay ama inay tahay carruurtayda, laakiin ma kala saari karo dhammaantood xaasaskayga ta hooyada u ah,” ayuu yidhi Mr Khan
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment