Muwaadinka la xukumay oo lagu magacaabo Maxamed Xasan Xirsi oo 28 Jir ah ayaa lagu helay bishii May isku day ah in uu ka qayb qaato falal argigixiso sida laga hor akhriyay cadaymo Maxkamada la horkeenay .Dambi-oogayaasha Maxkamadda ayaa sidoo kale Maxamed ku soo oogay dacwad ah in uu dadka ku dhiiri galin jiray in lagu biiro Ururada Argigixiso.
Ninkan Soomaliga ah ee haysta Dhalashada Canada ayaa laga xidhay Bishii March 2011 waxaana lagu xidhay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Toronto ee dalka Canada.
Maxamed Xasan Xirsi oo ah ninka Soomaaliga ah ee Maxkamadu xukuntay ayaa isagu iska fogeeyay dhammaan danbiyada lagu soo oogay oo ah in uu la shaqeeyo kooxaha Argigixisada ah
Himilo Media
No comments:
Post a Comment