Saturday, July 19, 2014

Nuxurka Waraaq Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Degaanka Burco Farta Ka Saaray Maayarka Gole-deegaameedka Sheffield Oo Dhawaan Somaliland Ictiraaf Siiyey

Sheffield:July,19,2014(Himilo)-Maayarka iyo Xogyahah Gole-deegaaneedka Magaalada Sheffeild, ayaa Maanta Xildhibaan Ibraahim Yuusuf (Bidhi) oo ka tirsan Golaha Deegaanka Burco ka Guddoomay Waraaq ay soo Qoreen Gole-deegaameedka Magaalada Burco.

bidhiWarqaddan ayaa xambaarsanayd Hambalyo iyo Bogaadin Golaha deegaanka Burco ay kaga Mahad naqayeen Aqoonsidii Golaha deegaanka Sheffield ay u hureen Jamhuuriyadda Somaliland.

Warqadda uu Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi gacanta ka saaray Xoghayaha Maayarka Sheffeild, waxa ku saxeenaa Maayarka Burco. Waxaana dhambaalkaasi ku qornaa "Annagoo ah Golaha Deegaanka ee Burco iyo shacbiga Somaliland-ba waxaanu uga mahad celinaynaa Golaha deegaanka ee Sheffeild aqoonsigii aad siiseen Somaliland.”

Sidoo kale qoraalka Golaha Deegaanka Sheffeild la gudoon siiyay waxa Golaha deegaanka Burco kaga warameen in iyaguna ay kaga dareen celiyeen tallaabadaasi inay xaafad ku taalla Burco ugu magac-dareen Sheffeild.

"Annaga oo ka Gole deegaan ahaan ka duulayna aqoonsigii aad Somaliland u ictiraafeen qaran madax-banaan, waxaanu kaga jawaabnay inaanu xaafadda October ee Magaaladda Burco ugu magac darno Sheffeild, waxaanan ku xalaalaynay fadhi aanu yeelanay 15/4/2014,”ayaa  qoraalka lagu yidhi.

 

Xildhibaan Mubaarik Bidhi waxa uu u sheegay Xoghayaha Maayarka Sheffield u sheegay inay ka dalbanayaan inay si wada jir ah uga qeyb galaan sidii loo mataanayn lahaa labada magaallo. Xildhibaanku waxa kale oo uu u gudbiyay marti-qaad uu uga siday Golaha Deeganka Burco.

Xoghayaha Maayarka Sheffeildanne floundersoo kulankaasi ka hadashay ayaa sheegtay inay Golaha deegaanka hordhigayso dhambaalkan ay soo direen Golaha Deegaanka Burco isla markaana ay diyaar yihiin inay ka wada shaqeeyaan sidii labada magaalo wax wada qabsi u yeelan lahaayeen.

Xildhibaanka waxa kulankaasi ku wehelinayay Mukhtaar Faarax iyo Cabdisamad Aadan Yuusuf Cilmi oo ah siyaasi ka sharaxnaa xaafada Nechels Magaalada Birmingham golihi deegaanka dhawayd 22 May 2014 cod aad u yar ku hadhay.

 

Himilo Media


 

No comments:

Post a Comment