Muqdisho, 17 July, 2014 (Himilo)- Guddiga Qaramada Midoobay u qaabilsan la socodka xayiraadaha Hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea, ayaa warbixin ay soo saareen eedeyn culus ugu jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Wasiirkii hore ee Arrimaha dibedda Soomaaliya oo hadda ka tirsan Mudanayaasha Baarlamaanka Xildhibaan Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan iyo Shirkad Mareykan ah oo dhinaca Sharciyadda ka shaqeysa.

Hantidan, ayaa la sheegay in inteeda badan ay ahayd mid la xayiray billowgii sannadkii 1991-kii, markaasoo dalka ay ka talinaysa dawladdii Millateriga ahayd ee la riday, iyadoo lagu sheegay Warbixinta in hantidan ay ku jiraan lacago caddaan ah iyo Dahab-ba.
Guddigu waxay Warbixintooda ku qeexeen in arrintan oo ay ugu yeedheen Shirqool ay ku lug leeyihiin, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Shirkad laga leeyahay dalka Mareykanka oo lagu magacaabo Shulman Rogers iyo Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan ahaydna Ku-xigeenka Raysal-wasaaraha ee Xukuumaddii hore ee Raysal-wasaare Saacid. Iyadoo ay xidhiidhiyaal ka ahaayeen laba qof oo aan shaaca laga qaadi magacyadooda iyo dalalka ay u dhasheen.
Haddii Warbixintani ay noqoto mid sax ah waxaa dhici karta inay hakiyaan dalalka Caawimooyinka Lacageed ee Malaayiinka Doollar ah ku caawiya Soomaaliya iyo weliba dalal badan oo kale oo iyaguna Malaayiin Doollar oo Deeq ah u ballan-qaaday ama ugu yaboohay dawladda federaalka Soomaaliya si dib-u-dhis loogu sameeyo dalka labaatameeyada sano colaaduhu ka taagnaayeen burburka badan ka dhaliyeen.
Dhammaan Xubnaha lagu eedeeyay inay Hantidaas Lunsadeen, ayaa iska fogeeyay eedahaas, isla markaana ku dooday inaanay ku lug lahayn eedeymahan, iyagoo dhankooda eedeyn u jeediyeen Madaxa Guddigaas Jarat Chopra, taasoo ay ku sheegeen in Warbixinta Guddigu ay tahay mid aan sal iyo raad lahayn.
Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan oo wakhtigan ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa sheegtay inaanay jirin wax macaash ah oo ay ka heshay heshiiskii lala galay Shirkadda Shulman Rogers, isla markaana aanay ka dambeyn in Yusur Abraar loo magacaabo Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Soomaaliya.
“Doorkeyga Wasiirnimo wuxuu ahaa inaan dhiso Muuqaalka Soomaliya, waanan ka xumahay in magaceyga iyo kan dawladeyda la ceebeeyo.” Sidaa ayay si kooban u tidhi Xildhibaan Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan oo eedaynta loo jeediyey ka hadashay soo bixintaanka Warbixintan ka dib.
Sidoo kale, War-Saxaafadeed laga soo saaray Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ee Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, ayaa lagu sheegay inaanay ka bixinayn wax jawaab ah eedeymaha Warbixintaan lagu sheegay, kuwaasoo ay ku tilmaameen kuwo la been-abuuray.
Warbixinta Guddigan la-socoshada Xayiraadda Hubka Soomaaliya iyo Eritrea, ayaa waxa si adag iyaduna u diidday Shirkadda Shulman Rogers, waxaanay Warbixin ay soo saartay ku sheegtay inaanay jirin wax door ah oo ay ku lahayd Shirqoolkan dhacay.
“Tani waa mid lid ku ah Shacabka Soomaaliya…Intii aan ka shaqeynaynay Soomaaliya howl wanaagsan ayaannu u qabannay Shacabka Soomaaliyeed. Warbixintaasina maaha mid lagu kalsoonaan karo, waayo ma wadato wax faahfaahin ah iyo caddaymo sugan oo rasmi ah toona.” Sidaa waxa si taxadir leh u yidhi Jeremy Schulman oo ah Madaxa Shirkadda Mareykanka ah ee lagu magacaabo Shulman Rogers.
Warbixin tan ka horreysay oo ay Xubnahan Kormeerayaasha ah ee la-socodka Xayiraadda Hubka Soomaaliya iyo Eritrea soo saareen sannadkii hore ee 2013-ka ayay ku sheegeen in shaqsiyaad ay isku dhow yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh ay 80% Baanka dhexe ee Soomaaliya ugala baxeen Lacagihii yaallay, taasoo ay dawladda Soomaaliya si adag u beenisay marar badan.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment