Thursday, July 31, 2014

Shalay iyo Booqashadii Himilo ee Xafiisyada hay’adaha Dawladda Masuuliyiinta Xafiisyadooda u shaqo-tagay iyo Kuwa Fasaxa Ciidal-Fidrigu la Taraaray

Weedha Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ka yidhi Waajibaadkooda la-xisaabtanka Shaqaalaha 

Hargeysa 31 July, 2104 (Himilo)- Iyada oo shalay ay ku ekayd Fasax laba maalmood ah oo ay ku jireen hay’adaha iyo Shaqaalaha Dawladda munaasibada Ciidal-fidriga awgeed, Wariye ka tirsan Wargeyska Himilo, ayaa u kuur-galay habsami-socodka hawl-maalmeedka shaqo ee wasaaradaha iyo hay’adaha Xukuumadda.

Booqashada Wariyaha Himilo ku tagay Xarumaha hay’adaha Xukuumadda oo tiradoodu gaadhayso 15 isugu jira Wasaarado iyo hay’adaha madaxa-bannaan ee xukuumadda qaarkood, waxa uu qaarkood kula kulmay masuuliyiintii ugu saareysay oo xafiisyadooda ku sugan halka qaar kale ay ka maqnaayeen xafiisyadooda.

Wasaaradaha iyo hay’adaha ay u suurta-gashay inuu wariyuhu booqashadii ku tago, ayaa kala ah; Wasaaradaha Waxbarashada, Arrimaha Gudaha, Dhalinyarada & Ciyaaraha, Beeraha, Boosaha & Isgaadhsiinta, Macdanta & Biyaha, Maaliyadda, Wershadaha, Dib-u-dejinta, Diinta & Aw-qaafta, Biyaha, Cadaaladda, Xannaanada Xoolaha, Caafimaadka iyo Guddiga Qandaraasyada Qaranka.

Wasaaradaha ay Masuuliyiinta u sareysay oo isugu jira Wasiirrada iyo Agaasimayaasha ku magacaabani ka maqnaayeen ee Wariyuhu kormeerkiisa ku maray, waxa ka mid ahaa Wasaaradaha Beeraha, Waxbarashada, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Boosaha iyo Isgaadhisiinta iyo Hay’adda Qandaraasyada Qaranka, kuwaas oo xilliga wariyuhu booqashada ku tagay aan ku sugnayn xafiisyadooda.

Haseyeeshee, intii uu wariyuhu ku jiray kormeerkiisa xafiisyada dawladda, wasaaradaha qaarkood waxa ugu tagay iyada oo ay xafiiskooda ay ku sugnaayeen Wasiirka ama Agaasimaha Guud ee  Wasaaradaha ay ka midka yihiin Wasaaradaha Wershadaha, Dib-u-Dejinta iyo Maaliyadda, in kasta oo hawl-meedkoodu si habsami leh uga socday.

Wasaaradaha kormeerka aanu ku samaynay ee sida caadiga ah shaqadu uga socotay isla markaana ay goob-joog ahaayeen wasiirrada iyo Agaasimeyaasha Guud, waxa ka mid ah Wasaaradaha Macdanta, Cadaaladda, Biyaha, Diinta iyo Awqaafta, Xanaanada Xoolaha, Caafimaadka iyo Arrimaha Gudaha oo uu wariyuhu xafiisyadooda kula kulmay Wasiirada iyo Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradahaas.

warka 1aad (3)Intaas ka dib, waxa uu Wariyuhu Xafiiskiisa ku booqday Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Nuux Sheekh Muuse Ducaale oo faahfaahin ka bixiyey waajibaadka shaqo ee hay’addiisu u hayso Qaranka iyo kaalinta ay ka qaataan la-xisaabtanka xilliga shaqo ee hay’adaha iyo shaqaalaha dawladda.

Guddoomiyaha oo la wediiyey cidda ay saaran tahay masuuliyadda la-xisaabtanka hay’adaha dawladda oo masuuliyiintii u xil-saarnaa badhkood shalay ka maqnaayeen xafiisyadooda, ayaa ku jawaabay, “Ma ahayn fasax shalay, waxay ahayd maalin shaqo, qofkii ka soo xaadiri waayeyna waa qof badheedhay ama wasiir ha ahaado ama shaqaale kale.  Dabagalka annaga ayaa iska leh, kormeer ayaan ku samaynay, qoraal guud ahaana waanu u diraynaa, lagu baraarujinayo gudashada waajibaadkooda shaqo,” ayuu yidhi Guddoomiye Nuux Sheekh.

Guddoomiyaha hay’adda Shaqaalaha Dawladdu waxa uu sheegay inuu hay’adaha dawladda u kala diray qoraal ku war-gelinayo tirada maalmaha fasaxa ah ee Ciidda oo ku koobnayd labada maalmood oo kaliya.

“Bishan 27-kii bisha ayaanu qoraal u kala dirnay wasaaradaha, waxaanu u sheegnay fasaxu inuu ku egyahay laba maalmood oo ahay 28-kii iyo 29-kii. Laakiin, habsanka la habsaamo, digniin ayaa laysa siiyaa, wasaaradda digniin lama siiyo, qofkaa la siiyaa, wasiirkuna duruuftiisa ayuu leeyahay, ama shir haku maqnaado. Laakiin, annaga wasaaraddii ayaa xidhan oo adeegii dadka ayaan jirin, ayaa noogu daran,” ayuu yidhi Md Nuux Sheekh Muuse Ducaale.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment