Wasiirka Wasiiradda Qorsheynta iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya Siciid Cabdillaahi Dani, ayaa sheegay in dhawaan ay soo bandhigayaan tiro-koobka hordhaca ah ee dadka Soomaaliyeed, kaasoo noqon doona kii ugu horreeyay ee Soomaalida lagu sameeyo ee la-soo bandhigo muddo 30-sano ah, waxaanu sheegay inay soo bandhigi doonaan wakhti bil ka dib ah.Wasiir Siciid Cabdillaahi Dani oo Jimcihii shalay oo ku beegnayd Maalinta Tiro-koobka dadweynaha Caalamka oo dhan oo isla shalay dunida laga xusayey maalintaas, waxa uu u warramay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, waxaanu sheegay in Wasaaradda Qorshaynta Soomaaliya ay tiro-koob ku sameeysay dadka Soomaaliyeed, iyadoo adeegsanaysa farsamooyin kala duwan, waxaanu xusay in tirada ay soo bandhigayaan ay noqon doonto mid hordhac ah oo aad u wanaagsan.
“Markaan muddo ka fikiraynay sidii lagu heli lahaa tira-koobka rasmiga ah ee dadka Soomaaliyeed ayaa waxaannu arrintan la kaashannay Hay’adaha ku shaqada leh ee Qaramada Midoobay, wax badan ayaana noo suuro-galay, tiro-koob hordhac ah ayaannu helnay, waxaana socda dib-u-habeyntiisii ugu dambeysay, bil ka dibn waannu soo bandhigi doonnaa.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Xukuumadda Soomaaliya Siciid Cabdillaahi Dani.
Sidoo kale, Wasiir Dani, ayaa xusy in tiro-koobkani uu sahli doono in lagu fuliyo qorshe kasta oo la doonayo in dalka laga hirgeliyo sida doorashada 2016-ka ka dhici doonta dalka Soomaaliya, afti u qaadisa Dastuurka Federaalka iyo wixii la mid ah.
Wasiirka Qorshaynta Soomaaliya Mr. Dani, ayaa sheegay in tirakoobkan ay ku sameeyeen qaabab kala duwan, qaar ayuu sheegay inay sameeyeen shaqaale arrintaas loo saaray, halka kuwo kalena lagu sameeyey Dayax-gacmeedyo, kaasoo uu ku dooday inuu sidii ugu habboonayd ama ugu wanaagsanayd u qabsoomay.
“Tiro-koobkan waxaan ku saleyn doonnaa dadka Magaalooyinka deggen iyo kuwa Miyiga deggen, annagoo goobaha aannan gaadhi karin kaga qaadnay tiro-koobka hab casri ah oo Dayax-gacmeedku ka mid yahay.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Qorshaynta Soomaaliya Siciid Cabdillaahi Dani. Waxaanu sheegay in tiro-koobkani uu noqon doono kii ugu horreeyey ee Soomaaliya oo dhan laga sameeyo muddo 30-sano ah, isla markaana ay rejadoodu tahay inay ku guuleystaan inay Shacabka Soomaaliyeed u soo bandhigaan tiradooda guud.
Tiro-koobkan oo uu Raysal-wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed, ayaa bishii May ee sannadkan aynu ku jirno ee 2014, magaalada Muqdisho ka sheegay inay Xukuumad ahaan guddoomiyeen Xogta Tiro-koob laga sameeyey dalka Soomaaliya la isku odhan jiray oo dhan oo uu ku jiro dalka Somaliland oo tan iyo 1991-kii gooni uga taagnaa Soomaaliyada kale, kaasoo uu sheegay in lagu tiro-koobay Soomaalida ku dhaqan inta u dhaxaysa Lawyo-caddo illaa Xadka ay Soomaaliya Kenya la wadaagto.
Inkasta oo markaa uu Raysal-wasaaraha Soomaaliya ka hadlay Tiro-koobkaas Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ka hadlay oo Waraysi uu Wargeyska Himilo wakhtigaas la yeeshay uu ku sheegay in Hay’adda UNFPA oo ka caawisay samaynta Tiro-koob Somaliland samaysay aanay isku ogeyn inay Xogta dadka reer Somaliland geyso Soomaaliya, sidaa awgeedna ay daba-gal iyo dib-u-eegis ku samaynayaan, hadddana wax war ah oo kaas ka dambeeyey oo ay Somaliland ka soo saartay Tiro-koobkan ma jiro. Isagoo hadalkan Wasiirka Qorshaynta Soomaaliya ku soo beegmay shalay oo dunida laga xusayey Maalinta Tiro-koobka dadweynaha Caalamka.
Wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo aannu la xidhiidhnay si aannu Warkan uu dhiggiisa Soomaaliya sheegay wax uga weydiinno ayaanay noo suuragelin inaannu wax war ah ka helno, ka dib markii uu naga qaban waayey Taleefankiisa gacanta oo aannu dhawr jeer oo kala duwan ka wacnay Xalay.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment