

Tababarkani wuxuu soconayaa 02 – 07 Agoost, 2014. Qof kasta oo xiisaynaya in uu tababarkan ka qayb galo, fadlan farriin Email ah u soo dir ciwaankan; courses@redsea-online.com, waxaanad ogaysiin siisaa [Sidoo kale u dir] ciwaankan info@hargeysabookfair.com. Waa inaad farriintaada soo raacisaa xogtan; magacaaga, wakhtiga dhalashada, goobta dhalashada, halka aad dehhan tahay iyo telefoonka gacanta ee lagaala soo xidhiidhayo. Wakhtiga ay joogsanayso qabashada codsiyadu waa 01/08/2014.

Tababarkan waxa bixin doonta Kate Stanworth oo ah sawir-qaade fadhigeedu yahay magaalada London. Kate waxay markii u horraysay Somaliland socdaal ku timi sanadkii 2012, si ay sawirro uga qaaddo doorashadii dawladaha hoose. Waxay mar kale ku soo noqotay Somaliland sanadkii 2013, si ay sawirradeeda ugu soo bandhigto Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa, waxaanay bixisay tababarro la xidhiidha sawir-qaadista. Sawirradeeda waxa lagu soo bandhigay degelka ay Internet-ka ku leeyihiin BBC iyo sidoo kale qaybta telefishanka ee BBC. Kate waxay la shaqaysaa PROEXPOSURE oo ah urur tababara sawir-qaadayaal iyo filim-sameeyayaal ka kala yimaadda daafaha dunida, si ay dhacdooyinka ugu gudbiyaan hab sawir ah. Tababarkan waxa Kate ka caawin doona Mustafe Siciid oo ka mid ahaa ardaydii hore u qaadatay tababarka sawir-qaadista sanadkii 2013.
Tababarkan waxa loogu talogalay dadka xiiseeya sawir-qaadista iyo dadka ay shaqada u tahay sawir-qaadistu oo ay ka mid yihiin; suxufiyiinta, shaqaalaha ururada aan dawliga ahayn iyo halabuurka kale. Inta uu socdo tababarkani waxa lagu baran doonaa iftiimin ku saabsan hababka kala duwan ee sawir-qaadista iyo sida loo qaado sawirro wanaagsan. Waxa kale oo qayb ka noqon doona tababarka tijaabooyin ay samayn doonaan ardaydu iyo layli ay koox ahaan isu qiimayn doonaan la-tababarayaashu. Ardaydii hore uga qayb gashay tababarkii kan ka horreeyay sanadkii hore, waxa sawirradoodii lagu soo bandhigay London.
Yuusuf Daahir oo ah sawir-qaade sawirradiisa lagu daabacay degelka sawirrada ee National Geography, wuxuu tobankii sanno ee u dambeeyay qaadayay sawirro ku saabsan horumarka ay Somaliland gaadhay. Wuxuu muddadaas kamaraddiisa ku muujiyay dhinacyada kala duwan ee horumarka Somaliland. Yuusuf wuxuu la kulmi doonaa la-tababarayaasha, si uu ula wadaago khibraddiisa sawir-qaadista. Waxa kale oo uu la wadaagi doonaa waxyaabaha anshax ahaan iyo dhaqan ahaan sax ah marka la qaadayo sawirrada la xidhiidha arrimaha bulshada.
Tababarkani wuxuu ka kooban yahay qaybaha soo socda;
Dood: Maxaa sawirka qurxiya?
Soo-jeedin: Sidee loo qaadaa sawirro wanaagsan?
Ficil ku muujin: Siyaabaha sawirrada loo qaado [Qof ba wuxuu sawirayaa qof kale]
Dareen-celin iyo laylisyo
Wuxuu soconayaa: 02 – 07 August, 2014.
Dadka ka qaybgalaya tababarkan waxa laga xulanayaa dadka soo codsada tababarkan. Fursadda tirada dadka la tababarayo oo yar awgeed, waxa la tixgelin doonaa dadka ugu soo hor codsada. Dhammaan dadka ka qaybgalayaa waa inay haystaan kamarad oo ay u soo qaataan tababarka. Tababarkani waa lacag la'aan.
Qof kasta oo xiisanayna in uu tababarkan ka qayb galo, fadlan farriin Email ah u soo dir ciwaankan; courses@redsea-online.com, waxaanad ogaysiin siisaa [Sidoo kale u dir] ciwaankan info@hargeysabookfair.com. Waa inaad soo raacisaa xogtan; magacaaga, wakhtiga dhalashada, goobta dhalashada, halka aad deggan tahay iyo telefoonka gacanta ee lagaala soo xidhiidhayo. Wakhtiga ay joogsanayso qabashada codsiyadu waa 01/08/2014.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment