Mashruuca lagu ballaadhinayo biyo-gelinta caasimadda oo maal-gelintiisa ay bixinayaan Midowga Yurub, ayaa biyo-gelin loogu samanayaa xaafadaha Gacan-libaax, Maxamuud Haybe iyo Axmed Dhagax, iyada oo la dhammaystiray ceelal laga hirgeliyey deegaanka Xubno-weyn ee Woqooyi-Bariga magaalada Hargeysa.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafintu waxa uu sheegay in aanay xaafadaha magaalada Hargeysa u sinnaan-doonin mashruuca biyo-gelinta loogu samaynayo isla markaana laga fuudh-yeelayo xaafadaha Harraadan ee magaalada.Cabdilaahi Cukuse oo shalay warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa, waxa uu sheegay in ay ka Xukuumad ahaan dedaal ka sameeyeen mashaariicda dhinaca biyaha labadii sano ee ugu danbeeyey isaga oo tibaaxay in ay Xukuumada KULMIYE xilka la wareegtay iyada oo dalka ay ka qodan yihiin 70-Ceel oo qudha balse ay Muddo Laba sano gudaheeda ah dalka kaga hirgelinayeen 48 Ceel oo cusub.
“Waxaa uu Illaahay ina waafajiyey in uu safar ugu baxo Imaaraadka Carabta iyo Kuwayt ujeedada Safarkaasina ay gabi ahaanba ahayd in uu dalkan iyo dadkan u biyo u baadi doono meeshii uu uga soo heli karyana uu tago gaar ahaana dalalkaa Caalamka Carabta ee khaliijka ,waa la soo helay badh intii la qorsheeyey waxna waa ay dhiman yihiinoo wali waa la baadi doonaa ,Waad ogtihiin Xukuumadan talada dalka haysa markii ay talada dalka la qabatay waxaa dalka ka qodnaa oo qudha 70-Ceel,Safarkaa Madaxweynaha iyo intii ka danbaysayna waxaa la qoday 48-Ceel,Markaa 20-Sanadood waxaa aynu ku qodanay 70-Ceel intaa maanta labadaa Sanadoodna waxaa aynu ku qodanay 48-Ceel markaa qiyaastaas waad garan kartaa inta baahi iyo Culays ay yarayn karto,” ayuu yidhi
Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi galinta Somaliland isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Inkasta oo hadaba ay baahidii wali taalo, inkasta oo ay meel walba ka taagan tahay magaalooyinka waaweyna ay qaarkod ka jirto maanta Mushkilada taagan ee bishan Ramadaan inagaga soo hagaagtay ee hadalkeedu uu taagan yahay ee Shaydaankii la xidh-xidhay inoo soo raacay, waa biyaha Hargeysa iyo Balaadhintooda, gaar ahaana qaybtii bariga Magaalada, Hargeysa Biyaha waa laysku tuhmaa,waxaa la yidhaahdaa meel baa cabta meelna ma cabto, warkaasi waxba kama jiraan, magaaladu waa ay oomantahay inteeda badanina biyo ma hesho Awoodda biyaha aynu hayno ee fidineed ee gaadhsiinteeda ayaa Xaddidan maaha arrin farsamo, maaha arrin ku tala gala ama cidi go’aan satay ama cid kale lagu xumaynayo oo cid lagu wanaajinaayo, waa isku mid nafteenu magaalada aynu joogno gabigeenuba waxaa aynu joognaa 20-Km oo isku wareega, meelina jano noqon kari mayso meelna meel lagu ooman yahay noqon kari mayso waaba 20-Km oo dhanwalba ah.”
Cabdilaahi Cukuse waxaa uu baaq u jeediyey shacabka Caasimadda deggen, waxanau yidhi, “Magaaladeena waxaa ay ila tahay in aynaan isku tuhmin ee waa ay jirtaa baahiduye aynu dawlada ku gacan qabano sida baahidaasi loo daboolayo ee wax looga qabanayo dhinaca Bariga ama Galbeedka Magaalada, Woqoyigeeda,iyo Koonfur-galbeed Magaalada iyo Magaalada Koonfurteeda waxaa la filayaa in Biyihii EU-da oo imika haatan gacan saarideedii maraya oo baraago Cusub oo laga qodi doono Isha Boorame iyo Xaafadaasi Calaamadaha ayaa fidintaasi qayb wayn ka qaadan doona, waxaana la filayaa in biyaha Shiinuhu ay 90% korodhkoda ay wax ku kordhin doonaan.”
Dhinaca kale, wasiirka Warfaafintu waxa uu shirka jaraa’id ka akhriyey qoraal uu sheegay in lagu kordhiyey tirada guddi uu madaxweynuhu hore ugu magacaabay fududaynta iyo ka-shaqaynta mashruuca biyo-ballaadhinta ee magaalada Hargeysa oo wasiir Cukuse ka mid yahay tirada lagu kordhiyey, guddigana afhayeen u noqon doona iyo qodobbo ka soo baxay shir ay guddigaas si wada-jir ah todobaadkii hore ugu yeesheen Hargeysa oo lagu soo af-jaray tuhunno la buun-buuniyey oo ku saabsan biyo-ballaadhinta caasimadda. Sida uu sheegay wasiir Cukuse, xubnaha lagu kordhiyey guddigaas waxa waxa ka mid ah Wasiirka Cadaalada, Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga, Wasiir ku xigeenka Amniga, Wasiir ku xigeenka Hawlaha guud iyo Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-Nac).
Himilomedia.com
Hargeys-Somaliland
No comments:
Post a Comment