Hargeysa, 16 July, 2014 (Himilo)- Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa guddoomay lacago kala duwan oo ay dadka reer Somaliland ee ku kala dhaqan dalalka Sucuudiga, Finland, Denmark iyo magaalada Sheffeild ee dalka Britain ugu soo tabo-ruceen dhismaha Waddada Ceerigaabo oo uu Wasiirku xusay inuu socdo.


Waxaanu intaas sii raaciyey Wasiir Xirsi; “Sidoo kale Sheekh Yuusuf Cabdi Cawad oo Denmark Hablo halkaas Lacag uga soo direen lix kun iyo boqol Doollar, aad iyo aad baannu ugu maha-celinaynaa dhammaantood. Sidoo kale, waxaan jecelahay inaannu iyagana halkan uga mahad-celinno qolyo aan halkan (Madaxtooyada) joogin, laakiin-se lacagtoodu na soo gaadhay oo Sheffeild laba lacagood oo kala duwan oo qayb ay soo direen Ururka Haweenka Tusmo ee reer Sheffeild iyo Guddiga Somaliland ee Sheffeild oo lix iyo soddon kun iyo shan boqol oo Doollar isku noqonaysay, waxaan leeyahay Lacagtiinni way na soo gaadhay, aad iyo aad baannu ugu mahad-celinaynaa, dhammaantood-na waxaan leeyanay wixii aad bixiseen ee aad sadaqada u baxsateen way na soo gaadheen, marka labaadna ILLAAHAY waxaannu idiinka baryeynaa wax ka khayr badan inuu idiinku beddelo, waa Sadaqad oo Insha Allaahu Tacaalaa idinka lumi mayso.”
Wasiirka Madaxtooyadu waxa uu sheegay in dhismaha Waddada Ceerigaabo socdo oo ay hawsheedu socoto, isla markaana waxa uu ballan-qaaday dhammaan Qaadhaanka lacageed ee la soo gaadhsiiyey Guddi ahaan inay ku qaban doonaan Hawsha Waddada Dhismaha Ceerigaabo iyo Burco isku xidha ee ay dadka reer Somaliland ee Lacagtaas soo diray ugu talo-galeen. Wasiir Xirsi waxa uu sheegay in wax kasta oo Qaranku u midoobo dawlad iyo Shicib-ba la dhaqaajin karo, wixii aan loo midoobin ee aan gacmaha la isu qabsanna ay adag tahay in la dhaqaajiyaa, sidaa awgeedna uu guud ahaan dadweynaha reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan ku dhiirrigelinayo inay u midoobaan dhismaha iyo horumarinta dalkooda oo ay sii laban-laabaan dedaalkooda waddani-nimo.
Sheekh Yuusuf Cabdi Cawad, ayaa Wasiirka Madaxtooyada oo ah Guddoomiyaha Guddiga Dhismaha Waddooyinka ku wareejiyey Lacag dhan Lix Kun iyo Boqol Doollar oo uu sheegay inay soo direen Hablo Reer Togdheer ah oo ay ku soo hagaajisay Farxiya Gaaruf Xaaji Cabdillaahi, taasoo uu xusay inay Hablahaas oo ku dhaqan waddanka Denmark ugu talo-galeen inay kaga qayb-qaataan dhismaha waddada isku xidha magaalooyinka Ceerigaabo iyo Burco ee xarumaha gobollada Sanaag iyo Togdheer.
Sidoo kale, Dr. Carabayte, ayaa isaguna Wasiir Xirsi ku wareejiyey lacag dhan laba Kun oo Doollar oo uu sheegay inay soo direen Hablo jooga Shaariqa oo ka tirsan waddanka Sucuudiga, kuwaasoo soo diray Toban Kun oo Riyaalka Sucuudiga ah oo markii la beddelay noqotay Laba Kun oo Doollarka Maraykanka ah, taasoo ay ugu soo talo-galeen Hablaha soo diray inay kaga qayb-qaateen dhismaha Jidka Ceerigaabo iyo Burco.
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Bulshada Marwo Shugri Xariir Ismaaciil, ayaa iyaduna Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ah Guddoomiyaha Guddiga Waddooyinka ku wareejisay lacag dhan Labaatan Kun oo Doollar. “Horta, waxa sharaf iyo farxad dheeraad ah ii ah caawa (xalay) dhammaan Lacagaha la wareejiyey Hablaa soo diray, taasina waxay aad iyo aad u caddaynaysaa inay Gabdhaha reer Somaliland meel ay joogaan-ba inay xagga Muwaaddin-nimada iyo damqashada Bulshadooda aad iyo aad ugu dheer yihiin, aad baanan u hambalyeynayaa Hablaha Lacagtaas ku soo tabo-rucay, kuwa kalena waxaan u rejaynayaa inay iyaguna ka qayb-qaataan.” Sidaa ayay tidhi Wasiir Ku-xigeenka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland.
Marwo Shugri Xaraar waxay guud ahaan reer Somaliland dibed iyo gudo meel ay ku nool yihiin ka wada qayb-qaataan dhismaha Waddooyinka dalka oo dhan oo ay ugu muhiimsan tahay waddada isku xidha Ceerigaabo iyo Burco oo ay sheegtay inay muhiimad wayn u leedahay dalka iyo dadka Somaliland. Taasoo ay xustay inay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku dhiiratay hirgelinteeda iyagoo dawladihii ka horreeyey oo dhami ku dhici waayey inay sameeyaan.
Wasiir Ku-xigeenka Shaqada iyo arrimaha Bulshada Somaliland Shugri Xariir Ismaaciil oo la hadlaysay Xisbiyada Mucaaridka ah ee dalka waxa ay tidhi; “Waxaan jecelahay haddii aynu maanta dimuquraaddiyad u guurnay oo aynu dimuquraaddiyad ku tartamayno waxaan Xisbiyada Mucaaridka ah odhan lahaa haddii ay waddada Ceerigaabo, waddooyinka kale iyo dhismayaasha aad u taabatay idinkana ha la idin yidhaahdo iyaga oo mucaarid ah ayay intaas qabteen, berri markay dawladda qabtaanna way ka sii badinne, waxaynu ku tartannaa yaanu noqonnin hadale aynu ku tartanno wax-qabadka, dhismaha dalka iyo horumarinta, taasaana danta ummaddu ay ku jirtaa inaynu u jeedinno inay wax qabsadaan oo jeebkooda, Maskaxdooda iyo aqoontooda aynu is-barno, maanta dawladdan ayaa innoo bilawday, wixii wanaagsanna waa lagu daydaa aan kaga dayayo oo aan halkaas ka wadno.”
Waxaanay gebo-gabadii Shugri Xariir ku wareejisay Wasiirka Labaatan Kun oo Doollar oo ay sheegtay inay Hablaha ku nool magaalada Helsinki ee Caasimadda dalka Finland oo ay sheegtay inay u badan yihiin Haween u dhashay gobollada Togdheer iyo Sanaag oo ay ka mid yihiin Yaasiim Sahal, Aasiya Xasan, Foosiya Xasan, Canab Ismaaciil iyo Foosiya Cige iyo Sabaax Xasan oo ay sheegtay inay lacagtaas ugu soo talo-galeen dhismaha Waddada Ceerigaabo inay kaga qayb-qaataan.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment