Saturday, July 26, 2014

Xabbad-joojin 12-Saacadood Kaliya ah Oo Laga Hirgeliyey Qaza

Qaza:Jully,26,2014(Himilo)-Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maryakanka John Kerry, ayaa sheegay in Ra’isal wasaaraha Yuhuuddu Benyamin Netenyahu uu si rasmi ah u ogolaaday Xabad-joojin 12-saacadood ah oo ka hirgasha Qaza oo diri ka socotay Muddo toddobaadyo ah.

jojeAfhayeen u hadlay Xamaas oo lagu Magacaabo Sami Abu Zuhri ayaa Sheegay in Dagaalyahanadooda ku sugan Gaza ay aqbaleen Xabad-joojinta 12-ka saacadood ah.

Israa’iil oo Saacado ka hor diiday Xabad-joojin uu u jeediyay Xoghayaha Amuuraha Dibadda John Kerry ayaa haatan la soo dhoweeyay go’aanka dambe ee ay qaadatay.

18-kii Maalmood ee ay soccotay Duqeynta Israa’iil ayaa la Sheegay inney ku nafwaayeen dad rayid ah oo kor u dhaafaya 800-ruux kuwaasoo u badan Caruur iyo Haween.

Xukumadda Israa’iil ayaa dhinaceeda Sheegtay in 34 Askari looga dilay Marinka Gaza tan iyo markii uu bilowday duulaankii dhinaca dhulka ahaa.

Sidoo kale waxa ay Isra’il sheegtay inay xabadjoojintan u sameeyeen kaliya Arrimo Bani’aadanimo, isla-markaana marka ay Muddadu dhamaato ay dagaalka halkii ka sii wadi doonaan.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment