

“Waxaa maalmahanba soconaayey in Xisbiga WADDANI uu warbaahinta u sheegayey in Somaliland Madaxweynaheeda iyo Cid dadka u talisa aan la garanayn, Guddoomiyaha WADDANI-na uu yidhi baadhid kasta oo aanu samaynay waxaa noo xaqiiqa noqotay in aan cid dalka u talisa aan la garanayn. Waxaan rumaysanahay in uu hadalkaasi yahay hadal meel ka dhac ah, waxaan maanta leeyahay oo hagaagsan in aan erayada qaar layska odhanin nin la ogyahayna aan taariikhdiisa aan la qarin, nin walibana waxaa uu la soo baxay waa la eegi doonaa markaa hadaladaas in ay yidhaahdaan oo maalin walba ay Xisbiga WADDANI ay isla soo taagaan ragbadan oo uu ka mid yahay Gudoomiyahooda,Ku-xigeenkooda,Af-hayeenka,xildhibaan Rayte oo caadaystay Cayda Madaxweynaha oo maalin walba Caafimaadka Madaxweynaha wax ka sheega,”ayuu yidhi Xildhibaan Bukhaari
Xildhibaan Bukhaari oo hadalkiisa sii wata waxa uu si badheedh ah u weeraray xildhibaano ay ku wada-jiraan Aqalka Wakiillada oo xilal ka haya xisbiga WADDANI, waxaanu yidhi, “Waxaanu leenahay Raytoow waxa aad qabato taariikhda ayaa sheegi doonta, Ina Buubaana waxaan leenahay lambaro badan ayaad Xamar ka haysaa oo Xidhiidhkaaga waan ognahayee nimaan shaqo ku lahayn ha eedaynin. Waxaa kale oo jirta in WADDANI hoggaankiisa ugu sareeya, ay xaqiiqo tahay in ay Imaaraadka ay kula shireen Dawlada Xamar ee Xasan Shiikh iyaga oo leh,Waxaanu nahay ragii isku keeni lahaa Somaali ee naga warhaya oo na taageera.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment