Wednesday, August 20, 2014

Caruus Si Lama Filaan ah Ugu Qaldamay Guri Kale Oo Aan Ahayn Kii Arooskiisa Loogu Talo Galay

Sanca… Dhacdo aan hore dunida loogu arag ayaa ka dhacday magaalo madaxda wadanka yamen ee Sanca kadib markii uu nin caruus ahi si lama filaan ah uu ugu qaldamay guri aan ahayn kii arooskiisa loo diyaariyey ee eheladiisu joogeen ee uu si qalad ah ugu beegmay guri kale oo isna aroos kale ka jiray.
Sida ay qortay jariirada 26 septemer darawalka waday caruuska qaldamay ayaa si kadis ah ugu leexday xaafad ka mida maagaalda Sanca oo wakhtigaasi uu ka socday u diyaargarawga aroos maqan oo gurigan loo sii diyaariyay waxaana darawalka waday gaadhiga uu saarna caruursku si lama filaan ah uu ugu weecday guriga waxana markiiba isla sara kacay dadkii ehelada ahaa ee guriga joogay iyagoo markiiba jaanta isla helay sacab, mashxarad iyo sawaxan soo dhawayn ah iyaga oo u qaatay in gaadhiga arooska sidaa uu yahay caruuskii ay ehelada ahaayeen
Muddo kadib markii ay dadkii ehelada ahaa damaashad isla oogsadeen ee hawada sarana loo riday aaladaha qarxa ee aroosyada loogu talo galay ayaa waxa gaadhiga kasoo dagay wiilka caruuska waxaana dadkii ehelka ahaa oo safaf dhaadheer u galay inay qaabilaan caruuska ay hal mar uun ku war heleen in qofka caruuska ah ee ay qaabileen aanu ahayn caruuskii ay ehelada ahaayeen ee ay ku talo galeen imaanshihiisa, waxaana qaarkood ay rumaysan kari waayen in qof kale oo caruus ahi kusoo qaldamay gurigooda.
Intaas dabadeed waxa lagu soo wargaliyay ehelada iyo dadkii kale ee goobta arooska loo diyaariyay ku sugnaa in caruuskii kusoo maqan yahay una diyaar garoobaan waxaana ay markale dib iskugu diyaariyeen inay qaabilaan caruuskoodii rasmiga ahaa waxaana si naxdin iyo anfariir badan ku jirto dib u laabtay caruuskii anbaday.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment