Carwadan oo laga furay hoolka shirarka ee xarunta hay’adda shaqaalaha dawladda shalay, laguna soo bandhigay alaabo ka kooban noocyada kariimyada wejiga iyo jidhka, saliidaha timaha, saabuunaha jidhka, cadarro iyo waxyaabaha kale oo qurxin ama dawo ahaan loo adeegsado oo dhammaantood ah dabiici uu sameeyey kambani lagu magacaabo African Nature oo saldhiggiisu yahay dalka Canada, balse ay dalka soo gaadhsiisay haweenay reer Somaliland, waxay dadweynaha u furnaan doontaa muddo afar maalmood ah.
Maamulaha African Nature Marwo Fatxiya Maxamed Cabdalla, ayaa hadal kooban oo furitaankii carwada ka jeedisay ka sheegtay in agabkan oo ah qayb ka mid ah waxyaabaha kambanigoodu farsameeyo loogu talogalay midabka jidhka dadka Afrikaanka ah, gaar ahaan Soomaalida oo ay si wayn u anfacayaan, isla markaana waxyaabo dheeraad ah oo cusub.

Waxa kale oo ay sheegtay in agabkan dabiiciga ah ay ku jiraan kuwo loo isticmaalayo dawaynta jidhka, waxaanay tidhi, “Waxyaabaha ku jira waxa ka mid ah kiriim laga sameeyey foox oo iska daa wax kale’e dunida dadka lagaga daweeyo kansarka, markaa waa mid dawo u noqonaya dumarkeenna isku caddeeyey dawooyinka loogu talogalay jidhka dadka caddaanka, arrintaas oo aad ii walwalgelisay. Waxa kale oo ka mid ah alaabtan kiriimyo, saabuun iyo salaado ka samaysan faytamiinno aad ugu wanaagsan dubka bani’aadamka.”
Ugu dambayn, Marwo Fatxiya waxay xustay in aanay alaabta carwadan ka doonayn faa’iido ay ka helaan oo ay ku sameeyeen qiimo-dhimis 40% ah si dadku u awoodaan inay iibsadaan.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment