Maxjaradaas waxa iska leh ganacsato carbeed oo xoolaha la dhoofinayo waxa laga qaadaa khidmad adag. Haddaba mashruucan xanaanada xoolaha ee sanduuqa horumarintu ka hirgelinayo bananka qool-caday iyo aroori, waxa wasiirka xanaanada xooluhu heshiis hoose kula jiraa ganacsadaha carbeed ee Aljaabiri.
Arrinkan seerayaashu kama duwana kawaankii hargeysa ee ay maalgelisay hay’ada cuntada iyo beeraha ee qaramadda midoobay (FAO) , kawaankaa markii la dhisay waxa maamulkiisi wasaaradda xanaanada xoolaha iyo dawladda hoose ee Hargeysa ay gacanta u galiyeen shirkadda maandeeq oo ah shirkad gaar loo leeyahay oo ilaa maanta maamusha islamarkaana khidmad adag oo aanay awoodayn ka qaada hiliblayaasha danyarta ah.
Hawlaha seerayaasha iyo kawaanadu waa dan guud oo waxay ahayd in dawladu maamusho, laakiin waxa nasiib daro ah inta dadkii lagaga raro qool-caday iyo aroori waa dan guud haddana dawladdii ganacsade aljaabiri ku wareejiso.
Waxaan leeyahay wasiiradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga marwo Shugri Xaaji Ismaaciil hawsha seerayaashu waa hawshaadi oo waad ku mahadsan tahay oo dadka deegaanka qool-caday iyo aroori ma diidana wasaaradda horumarinta reer miyiga ee hawshaas u xilsaaran laakiin arrinka madmadawgu ku jiraa waa arrinka wasiirka xanaanada xoolaha Dr. Cabdi aw Daahir Cali dabada ka riixayo oo waxa wasiirka iskaga khaldan mashaariicda xanaanada xoolaha iyo kuwa deegaanka mise wasiirku wuxuu maroorsanayaa shaqaddii wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga.
Guntii iyo gababadii waxa mudane madaxweyne kaa codsanayaa in aad wasiirka xanaanada xoolaha u bedesho wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga.
ILAAH BAA MAHAD LEH
-W/Q Dr. Jamaal Cali
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment