Wuxuu yidhi qalinkiyo tawaadii isii yaanan maax dumine, Somaliland maanta waa halkii qolada
kulmiyee waa markii u horeysay ee dalkani yeesho laba madaxweyne, bal hada dib u eeg
hada qudbadii madaxweynihii hore ee Somaliland mudane Daahir Rayaale Kaahin, qudbadiisii
u danbaysay maalintii xilka uu Axmed Siilaanyo ku wareejjinayay. ( aniga cid wax igu wareejisay
ma jirin aniga iyo waliba madaxweyne yaashii iga horeeyay ee Cabdiraxman iyo Ina-Cigaal toona
laakiin maanta adiga waxaan kugu wareejinayaa dal mida iyo dad mida ee halaguugu yimaado),
horta waxaan shaki ku jirin in aanay maanta muuqan midna in loogu iman doono waayo eeg
goboladii bariga Somaliland waa kuwaa dawlada federaalka Somalia ku leh na aqoonsada iyaga oo
Somaliland dhexdeeda jooga.
Waxaan is weydiiyay intii hawshan lagu dooranayay madaxweyne iyo baarlamaanka halkee
ayey ku mashquulsanayd dawladii dalka xukumaysay, waxa ii soo baxday jawaabtan: sida aynu
ognahay waxa dhawaantan oo dhan laga baahinayay ama saxaafada oo dhan waa ta dalka iyo
ta dibadaba ama ta somalida kale laga leeyahayba in shir lagu qabanayo meel Somaliland ku
taala oo la doonayo in maamul lagaga dhawaaqo, waxay ila noqon wayday inaga oo leh wasaarad
dhan oo kaliya qarankan u qaabilsan warbaahinta ayaa waxay ku mashquulsanayeen dagaal
ay kula jireen Kooxda Xidigaha Geeska oo la iisheegay in wasiirkiina ku qancinayay qoyska
Siilaanyo inay xaflada qurbo jooga lagu casuumayo ay ka heesaan koox aad u taqaan sida loo
raali galiyo madaxda dalka oo ka dhisan Magaalada Jigjiga oo uu ku maqan yahay agaasimihii
guud ee wasaaraduna yaab kale. Inkastoo aanay muran ku jirin sida loogu aamini karo dalka
xukuumadan ku mashquulsan sida ay ula dagaalami lahayd kooxda xidigaha geeska.
Waxaynu wada ognahay halka ay marayso siyaasadeenii arrimaha dibadu iyo siyaasadeenii
arrimaha guduhuba waxa aynu lawada socnaa in siyaasiyiintii kasoo jeeday gobolka sool guud
ahaan ay tabasho badani jirto markii ay garan waayeen cid ay la hadlaan iyo si ay ula hadlaan
xukuumad qoys noqotay, waan u garaabay ku tagay iyo kuwa daba socdaba.
Halku dhagyadii markii Siilanyo ku jiray ololoha waxa ka mid ahaa ” nin garanaaya afka lagu
gudbinayo qadiyadaada ayaa wax loo dhiibtaa” oo aan imika u fahmay inuu uga jeeday waxa
Somalia idinku dari kara aniga oo Siilaanyo ah markaad aragto sida uu wax u wado waayo?
Boqor buurmadow waxa uu sheegay in Cali Khaliif is arkeen hadeerna uu sugayo soo noqoshada
Madaxweyne Siilaanyo oo xilligaa ku sugnaa UK, waxa aan is-idhi waa kan yimid ee uu Galaydhna
madaxweyne noqdaye kolay waa la isla ogaa!
Hadaba laba mid uun ayaa u taala dadka reer Somaliland in uu madaxweyne Siilaanyo sheego
aragtida iyo qorshaha Ficliyan dhabta ah ee ay xukuumadiisu ka leedahay kooxda Galaydh iyo
in bulshadu ay Galaydh taageeraan oo uu kala wareego xukuumada siilaanyo meesha ilayn mar
hadii ay ku mashquul sanyihiin oo ay dalkii ku ilaabeen dagaalkan ay kula jiraan kooxda Xidigaha
Geeska.
Eeg tuducyadan ka midka ahaa maansadii hadraawi ee DAALACAN:
Durbaankay tuntumayaan
Dawankaynu sidannaa
sida danaba u baab'in
Dugsadaha qabiilkiyo
Dib-ka-naaxa shaac baxay
Diga-rogashadeennii
Iyo dawladnimadii
Dib inay u celiyaan
Qorshahayga kuma darin
Nin kastaa ha duudsiyo
Ama dala'si haw xado
Ama duurka haw xulo
Ama dabinno haw dhigo
ama duhur ha weeraro
Ama damac ha dhaafsado
Gobannimadu waa degel
Dayax iyo iftiin nool
Dumimeyso weligeed
Anigaa dabka u sida
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment