Kulanka dhexmaray Wasiirka Maaliyadda iyo Guddiga Doorashooyinka, ayaa ujeeddadiisu ahayd mid labada dhinac kaga wada-hadleen sidii loo hirgelin lahaa saamiga miisaaniyeed ee Xukuumaddu ku bixinayso diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha iyo doorashooyinka Madaxtooyada iyo golaha Wakiillada oo la filayo dalka ka qabsoomaan badhtamaha sannadka soo socda, kuwaas oo kharashka ku baxa intiisa badan ay bixiyaan qaadhaan-bixiyeyaasha Somaliland ka taageera dhinaca Doorashooyinka.Kulanka dhexmaray labada dhinac oo warbaahintu dibad-joog ka ahayd, waxyaabihii ay labada dhinac ka wada-hadleen, waxa sharraxaad ka bixiyey wasiirka wasaaradda Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale oo sheegay inay isla qaateen sidii ay xukuumaddu u diyaarin lahayd kharashka ay ku bixiso doorashooyinka, balse waxa uu wasiirku sheegay inay labada dhinac u ballameen kulan kale oo todobaadkan gudihiisa ku muddeysan.
“Waxaanu kulannay guddiga doorashooyinka qaranka oo aanu isla eegnay ama wax iska weydiinnay hawlaha doorashooyinkaasi. Waxay noo keeneen ugu yaraan miisaaniyadda looga baahan yahay Diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo saddex milyan oo Dollar ah, waxaanu ka ballansannahay inay maalinta Isniinta ah noo keenaan qaddarka miisaaniyadeeed ee ku baxaysa doorashooyinka kale ee ta madaxweynaha iyo ta golaha Wakiilladu. Markaa iyadoo aanu falanqayn iyo talooyinba yeelannay wasaaradaha kale, sannadkan waxa mudnaanta koowaad noo ah oo aanu si weyn miisaaniyadda ugu muujinno inay xukuumadda ka go’an tahay inay doorashooyinkaasi dhacaan, waxaanu eegi doonaa baabiyaadka jira,” ayuu yidhi Wasiir Samaale oo kulankaasi markii uu soo dhammaaday la hadlay telefishanka HCTV.
Wasiirka Maaliyadda Somaliland waxa uu daboolka ka qaaday isbeddel dhinaca xaddiga miisaaniyadda ah oo sannadka 2015 kaga duwanaan doono miisaaniyad-sannadeedyadii ka horeeyey. “Miisaaniyadda sannadka 2015 way ka badan doontaa miisaaniyaddii sannadka 2014-ka, isla markaa waxa si cad uga muuqan doona miisaaniyadda doorashooyinka dalka ka dhici doona 2015-ka,” ayuu yidhi Wasiirka maaliyadda Somaliland.
Himilomedia.com
No comments:
Post a Comment