Dusuusta Noloshu waa qaar maalin walba keena oo laga faa’iidaysto wax cusub, isla-markaana lagaga tallaabsado Booraamo iyo Hadiyooyin hore loogu jabay, balse ujeeddada loogu dhacay ahayd inaan mar dambe sidan oo kale loogu dhicin.Hadaba Maanta waxanu Halkan idiinku soo Gudbinaynaa saddex marxaladood oo cajiib ah, ruuxii aan u fiirsan marxaladaas uu ku suganyahay hadii uu ku dhaqaaqo saddex marxaladood oo kale aanay usuurto gelaynin.
1: Weligaa Go’aan Ha Qaadan Inta Aad Murugsantahay: go’aanka aad qaadato xilLiga aad murugaysantahay wuxuu noqdaa mid qaldan intiisa badanna ma noqdo mid saxan sidaa awgeed qodobkaasi waa inaad ka feejignaataa oo aadan wax Go’aan ah iska qaadanin xilliyada aanay Xaaladaadu fiicnayn.
2: Ballan Ha Qaadin Marka Aad Faraxsantahay: xilliyada aad ku sugantahay farxada oo aadan ogeyn waxaad ku sugantahay qofna ballan haka qaadin waayo waxaa macquul ah balantaas aad qaaday inay kaftan kaa noqoto waayo farxaddii ayaa kaa badatay. Waxa la ogaaday in marka uu qofku faraxsan yahay qalbigiisa ay ku jirto inuu waxkasta samayn karo oo aanay jirin wax ku adagiba.
1: Jawaab Ha Celin Xiliga Aad Xanaaqsantahay: Isku day inaadan wax jawaab ah celin xiliga aad xanaaqsantahay maxaa yeelay jawaabtaadu waxay noqoneysaa mid ka turjumeysa xanaaqaaga waxyeelo xoogana ku reebta qofka aad u jawaabeysid. Waxa afkaaga kasoo bixi kara erayo saamayn xun ku yeesha mustaqbalkaaga iyo naftaadaba, kuwaas oo aad mustaqbalkaaga isku ciilkaambiyi doontid inaad hore u tidhi.
Sadadxdaas qodob aan kor kusoo xusnay waa kuwo ku wanaagsan in leyska illaaliyo naftana la xakameeyo marka lagu suganyahay marxaladahaasi.
Tallaabiyinka Qaad si Aad Hantidaada iyo Caafimaadkaaga Kor ugu Qaaddid
Hargeysa(Himilo)-Nooluhu waxa ku Hamiyaa inuu Laba dhinac ka helo farxadda noloshiisa, isagoo dhinacyada Caafimaadka iyo Dhaqaalaaha u arka inay yihiin Tiirarka Farxadda.Daraasad ay Samaysay Machadka Institute For Fiscal, ayaa lagu sheegay in Lammaane farxad isku Guursadaa ay Mustaqbalka helaan Hanti Badan oo Caafimaad ku lammaan yahay.
Daraasaddu waxay badka soo dhigtay in lammaanaha isku faraxsan inta badan helaan guri u gaar ah, shaqooyin fiican, nafahooda wax baraan, lacagta soo gashana si fiican u maaraystaan.
Waxa kaloo cilmi-baadhistan lagu ogaaday in ubadka qoyska farxada isku guursada dhalaan ay noqdaan qaar akhlaaq wanaagsan oo ka badbaada la qabatinka daroogada iyo dhaqan xumooyinka kale.
Lammaanaha farxadda ku wada nool ayey daraasaddu sheegtay in ay ka badbaadaan fakhrinimada iyo cudurro badan oo nafsaani ah, kuwaasoo keena in qofku cidhiidhi iyo diiqad ku noolaado.
Sidoo kale, cilmi-baadhistu waxay tilmaantay in dadka guurka ka raagaa ay halis caafimaad galaan, noloshooda noqoto mid diiqad badan oo aan deenayn, marka loo eego kuwa hore u guursada,
Khubarada cilmi-baadhista sameeyey oo isticmaalay macluumaado ay ka heleen daraasado hore u jiray oo laga sameeyey nolosha 15,000 qof oo dhashay 1990 oo ku dhashay dalka Ingiriiska waxay iftiimisay in guurku faa’iido badan leeyahay.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment