Tuesday, August 12, 2014

Haweenay Waddada Dhexdeeda Ku Umushay Kadib Markii Ay Dhakhaatiirtu Diideen Inay Cusbitaalka Dhigaan

Riyad.. Haweenay u dhalatay dalka sacuudiga ayaa ku umushay iyada oo saaran gaadhiga saygeeda meel waddada badhtankeeda ah kadib markii dhakhaatiirtu diideen inay dhigaan sariirta cusbitaalka si ay haweenaydu ugu umusho.

Sida ay baahisay jariirada Albayaan haweenaydan ayaa ka hor intii aan la keenin cusbitaalka waxa soo kaxeeyay saygeeda isagoo ka shaki qabay inay fool tahay waxaana markii uu cusbitaalka keenay ay dhakhaatiirtu u sheegeen inuu dib u celiyo maadaama aanay gaadhin xilligii rasmiga ahaa ee ay ummuli lahayd waxaanay sidoo kale u sheegeen sayga gabadhaasi in xaaskiisu ku jirto marxaladii u horeysay ee foosha islamarkaana aanay jirin sabab hada cusbitaalka loo dhigo iyadoo aanay u buuxsamin sariiraha waadhka cusbitaalka yaala.

Sayga gabadhan oo lagu magaacabo Haddi Maqfurri ayaa jariirada albayaan u sheegay in kadib markii ay dhakhaatiirtu kula taliyeen in gabadha uu dib ugu celiyo gurigiisa maadama aanay gaadhin xilliga dhalmada uu dib u celiyay waxaana uu sheegay in intii ay jidka ku sii jireen ay mar kale xaaskiisa fooshu qabtay taasoo keentay inay ku dhex umusho gaadhigio ay saarnayd waxaanay aakhirkii noqotay in dib cusbitaalkii hore u soo diiday loogu celiyo, iyadoo xilligaasi loo sameeyay adeeg degdeg ah oo lagu samata bixinayo caafimaadka haweenaydan.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment