Kulan falanqeynta ah waxa ka soo qayb-galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, dhakhaatiir, Madaxda hay’adaha dhinaca Caafimaadka iyo carruuta ku shaqo leh, ardayda jaamacadaha, ururrada naafada iyo xubno ka mid ah dadka ku baro-kacay gudaha dalka oo bulshada inteeda uga nugul cudurkan.Madaxa laanta Afka Soomaaliga ee VOA Cabdiraxman Yabarow oo ugu horeyn hadal ka jeediyay madasha kulanka lagu qabtay, ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeeddada ay leeyihiin kulan-doodeedka, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Dareenka cusub ee imika imi waxa uu ka dhashay laba kaclayn uu cudurka dabayshu caalamka ku soo laba kacleeyey meelo badan oo uu ka dhashay sanadkii la soo dhaafay ee 2013. Hadii aynu soo qaadano, waxa xaalado cusub oo dadka cabsi galiyay laga helay waddamada ay ka mid yihiin Somalia oo kale laba gobol ayaa lagu sheegay, dalka Kenya xerada Dhadhaab oo ay joogaan qoxoontiga caalamka ugu weyn ee gaadhaya 500 ee kun iyadana xaalado ayaa laga helay,” ayuu yidhi Mr Yabarow.
Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Dhakhaatiirtu waxa ay hadda ka dardaar warinayaan oo ay carrabka ku dhajinayaan in haddii tusaale ahaan xal qof oo kaliya uu faraha ka baxo oo aan la dawayn sanad kaliya uu xaaladaasi dhali karo 200,000 ( laba boqol oo kun oo xaaladood),” ayuu yidhi Madaxa Laanta Afka Soomaaliyga ee VOA.
Wasiir ku-xigeenka wasaaaradda caafimaadka Somaliland Nimco Xuseen Qawdhan iyo Wasiir ku-xigeen wasaaaradda Warfaaafinta, Dhaqanka iyo wacyigalinta Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan oo labadoodu kulanka ka hadlay, ayaa iftiimiyey muhiimadda kulanka noocan ah iyaga oo soo dhaweeyay in mawduucan la faaqido.
Kulanka lagu falan-qeeyey cudurka Dabaysha oo ay ka qayb-galeen dad tiradoodu gaadhay Saddex boqol oo qof, waxa ka qayb-qaatay Guddoomiyaha Ururka Dhakhaatiirta Somaliland Dr Cabdirashiid Xaashi Cabdi oo ka hadlay sida uu cudurka dbayshu qofka u dhaawaco hadii uu asiibo iyo Cawil Xaaji Cali oo ah madaxa caaafimaadka ee hay’adda Unicef oo isaguna ku dheeraaday ahmiyada talaalku u leeyahay ka hortagga cudurka iyo sida looga ilaaliyo inuu bulshada inteeda kale ku fido.
Nuura Maxamuud Nuur oo ah gabdh Cudurka Dabayshu naafo ka dhigay oo falanqaynta ka qayb-qaadatay, ayaa sheegtay in cudurkani labada lugood ka asiibay iyada oo todoba jir ah, balse waxa ay xustay inay jiraan dad badan oo aan nasiib u yeelan inay nolol ahaan soo gaadhaan halka ay iyadu marayso wakhtigan.
Ugu dambayntii, Dadweynihii falanqaynta ka qayb galay, ayaa su’aalo iyo faalooyin ku aaddan cudurka dabaysha ku soo bandhigay madasha, iyadoo ay khubaradu jawaabo waafi ah ka bixiyeen.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment