Guddoomiye Baashe oo maanta saxaafadda kula Hadlay Xafiiskiisa, ayaa sheegay inaanu Axmed Xaabsade ahayn nin Somaliland meel fog ka tegay, isla-markaana laga daayo Buunbuuninta sida uu sheegay,“Axmed Cabdi xaabsade wuxu ka mid yahay Somaliland dad badan oo cadhooday oo meel kale aaday ayaa jira, gurina wuu ku leeyahay garowe, dee hadduu jibouti tago iyo hadduu Somalia tago waa oday ka mid ah Somaliland markaa Buunbuuniska halaga daayo.” Ayuu yidhi Guddoomiye Baashe, waxana uu intaas ku daray,
“Dhaqankeenu dee hadduu aad laba reer leedahay midba marbaad tegaysaa nin iyo Laba kun oo Somaliland ka tagaa waxba yeeli maayaan oo dad ka badan baa jooga. Markaa intaad axmed baa baxay wax weyn ka dhigaysaan dee annaba waa joognaaye na ixtiraama.” Ayuu yidhi Guddoomiye Baashe.
Waxa uu tilmaamay inaanu Gobolka Sool ahayn mid Xaabsade ku dhisnaa oo isaga joogintaankiisa ku xidhnaa, isagoo riyo ku tilmaamay hadalo uu Madaxweynaha Puntland xilliyadii doorashada Kaambaynta ku galay oo ahaa inuu Sool gacanta Puntland ku celin doono,
“haddii qof ay ku dhisan tahay Sool, dee markii horaynaan Haysan, cabdiwelina doorashuu galay ballamihii uu galay bayna ka mid ahayd inuu soo celinayo sool iyo sanaag, waxase ay ka mid yihiin Somaliland cid celin kartaana ma jirin karto.” Ayuu yidhi Baashe Maxamed Faarax.
Bashe Maxamed Faarax ayaa waxa ay isku raas yihiin Axmed Cabdi Xaabsade oo haatan ka degey Garowe, iyadoo sidoo kale Cali Khaliif oo isla booshooda kasoo jeedaa uu Haatan hoggaamiyo Guluf Somaliland ka dhan ah oo uu ka wado Koonfurta Gobolka Sool.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment