Xabaalaha boqol-jire oo ah oo ay dad fara badan ku aasan yihiin ayaa maayirku shalay mar uu u kuurgalay xaaladooda waxa uu indhihiisa ku soo arkay khatarta ay ku jiraan xabaalahan, taasoo dadka deegaankuna u sheegeen in loo baahan yahay si deg deg ah loogu soo gurmado isla markaana diyaar u yihiin inay ka qayb qaataan sidii biyaha looga xidhi lahaa.
Maayirka Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko ayaa sheegay in xabaalaha boqol-jire ay ku jiraan odayaashii magaaladda, isla markaana loo baahan yahay in dooxyadda ku soo rogmaday sidii looga badbaadin lahaa taasoo dhaqaale ka awood badan u baahantahay in biyaha laga xidho.Ugu horeyn xildhibaan Axmed Daahir Axmed oo ahaa xidhiidhiyaha dadka deegaanka iyo maayirka ah ayaa sheegay in xabaalahan boqol-jire ahaayeen qaar ay ku aasan yihiin odayaashii magaaladda Hargeysa aasaasay, isla markaana loo baahan yahay in eheladdii dadkaaasi iyo cidii kale ee wax ka qaban kartaba looga baahan yahay badbaada xabaalahani.
Xildhibaan Axmed Daahir oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Goobtan aynu taaganahay waa degmadda 31 may, waa xabaalihii boqol-jire la odhan jiray ama Sh Muuse Ducaale, waxaanu taaganahay Doox u dhexeeya dhulkii iyo xabaalihii, taas oo uu maayirku u yimid sidii arrintan wax looga qabto, runtii anigoo ah xidhiidhiyihii dadka deegaanka iyo maayirka, waxaanu doonaynaa in dadkeena gaadhsiino baaxadda jirta inta ay le’eg tahay”.
Eng:Maxamuud Caalami oo ka mid ah Injineeradda loo diray hawshan ayaa yidhi “sida taariikhda ka helayno waxa jiray moosas waaweyn, biyihii iyagoo xawli ku socda ayey halkan ku soo dhacayaan, markii aanu xaaladan qiimeyno waxaanu isla garanay in loo sameeyo gabi biyaha ka celiya xabaalahan, kaabado iskugu jira sodon mitir, halka biyuhu ka imanayaa loo sameeyo moosas biyaha qabta oo awoodooda yareeya, marka arrintaasi waxay u baahanay fulinteeddii oo dadka deegaankuna ka qaybqaataan”.
Eng: Cabdi khaddar Cabdilaahi Cali oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “ waxa jirta tu kale oo halkaasi ah oo biyihii jabiyeen kaabaddo lagu xidhay balse biyihii jabiyeen”.
Oday Maxamed Axmed Xuseen oo ka mid ah odayaasha deegaanka ayaa isna yidhi “meeshani waxay ahayd beero, laakiin magaaladii ayaa dhinac walba ka marta oo waxay isku bedeshay baloodho oo dadkii dhinac walba ka maray, oo beertiiba toban qoys ayaa dhaxlay, markii wax laga qaban waayeyna biyihii ayaa soo jiidhay, halkan aynu taaganahay ee waalidiintu ku aasan yahay waa in wax laga qabto, anagu waxaanu isku xukunay calaa beer in baloodh loo jaro oo aanu kaga qayb qaadano xabaalaha lagu dhisayo, dad ay waalidiintaasi dhaleen oo dibadda ku maqan oo wax inagala qaban karaa way jiraan, “.
Oday Yuusuf ayaa isna waxa hadaladiisii kamid ahaa “ xabaalahani Hargeysa ayey ka da’ weyn yihiin oo Hargeysa dadkii dhisay halkan ayey ku aasan yihiin, dadkii dadkan ka hadhay waxaanu u sheegaynaa inay usoo gurmadaan xabaalahan”.
Maayirka Hargeysa Md:Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko ayaa qaylo dhaan u diray bulshadda caasimadda Hargeysa waxaanu sheegay in maalinta Arbacadda Tobanka Barqonimo la iskugu yimaado, waxaanu yidhi “xabaalahan oo la sheegay inay ka da’weyn yihiin Hargeysa oo dad badan oo badhtamaha magaalada dhisay ku jiraan, waxa galay laagihii laba laagood ayaa ku soo faruurmay oo ah ishii Cobosha oo qoladda farsamadda ka wada hadalnay sidii wax looga qaban lahaa, iyo laagta kale ee dusha ka timaada sidii xabaalaha looga duwi lahaa, hoyga rasmiga ahi waa intaa yar ee qofku ka leeyahay dhulka, dhibaato weyna way ka dhacday halkan, waxaanu lahayn dawlad hoose ahaan dhaqaalahayagu wuu yar yahay laakiin macnihii lagu dhisi lahaa ama lagu badbaadin lahaa ayaanu haynaa, macnihii iyo qalabkiiba waanu haynaa, maalinta Arbacadda ee soo socda dadka danaynayaa inay wax ka qabtaan waa inay halkan iskugu yimaadaan tobanka barqonimo arrintaasi oo laga wada hadli doono sidii wax looga qaban lahaa, dhaqaale badan ayey u baahantahay farsmadii sidii wax looga qabanayey waxa ay sameeyeen, iyadoo dhamaystiran lagu soo bandhigo maalinta Arbacadda ah ee la iskugu imanayo sidii xabaalahan loo badbadin lahaa”
Sidoo kale, waxay golaha deegaanka Hargeysa u mahadnaqeen sheikh Aadan Siiro oo hore isagu kaabaddo ugu xidhay qaybo ka mid ah xabaalahan si biyaha uu uga badbaadiyo, inkastoo ay qaybo ka mid ah biyuhu jabiyeen.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment