Saturday, August 16, 2014

Maayirka Caasimada Hargeysa Oo Soo Bandhigay Qorshaha Iyo Ujeedada Dawlada Hoose Ka Leedahay Wajahada Cusbitaalka Guud Ee Hargeysa

Hargeysa (Himilo) Maayirka Caasimada hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko) iyo wasiirka caafimaadka Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo toosiye) ayaa si wada jir ah u iftiimiyey qorshaha iyo ujeedada dawlada hoose ee Hargeysa ka leedahay bananyta wajahada hore ee wasaarada caafimaadka ilaa cusbitaalka guud ee Hargeysa oo ah badhtamaha Caasimada.

beerMasuuliyiintan oo saaka booqday goobtani ayaa warbaahinta uga waramay ujeedada laga leeyahay, Wasiirka Caafimaadka Dr. Saleebaan-Xaglo-toosiye oo ugu horeyn ka hadlay ayaa waxa uu yidhi:- “Dhulkan Wejahadda Wasaaradda Caafimaadka oo ay leedahay Wasaaradda Caafimaadku, dawladda hoosena ay masuul ka tahay, waxa uu Maayerka magaalada Hargeysa naga codsaday meeshan oo wajahad wayn ah meel muhiim ahna ku taalla ay dawladda hoose qurxinteeda maal-geliso, annana waannu u oggolaannay. Maaha meel dhismayaal laga samaynayo sida dadka qaar borobagaandada ka dhigayaan ee ah dawladda hoose ayaa qaadanayso iyo waxaas waxba kama jiraan, meeshan ayay eegan kari waayeen fool-xumadeeda, taasaana keentay inay Beer ka dhigaan qurux badan oo Indhaha soo jiidata.”

20140816_101042Wasiirka Caafimaadka waxa kale oo uu intaasi ku daray “Hudheel laga dhisayo iyo guri laga dhisayo iyo hawl kale oo laga dhisayaa midna ma jirto, Wasaarad ahaanna ma oggolaanayno, dhulkanna way jiraan dad dan yar ah oo ku ganacsanayey, laakiin Wasaaradda Caafimaadka ayaa iska leh.”

soltelkoMaayerka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa isaguna halkaas ka hadlay, waxaanu yidhi; “Qofka halkan odhanaya waxbaa laga dhisayaa isagaa damiir-laawe ah, waa Cusbitaalkii guud, waa Wasaaraddii Caafimaadka, haddii aynu nidhaahno meel Cagaaran hallooga dhigo ninka leh waa la iibinayaa isagaa Damiir-laawe ah, isagaana ka jawaabi doona.”

Duqa Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan-Soltelco waxa kale oo uu ka hadlay xaalada dadka goobtani hore ugu ganacsan jirey waxaanu yidhi:-

“Ummaddu waa wada dan-yar, qofkuna haddaanu eegin meeshu degayo waa dhib, haddaynu nidhaahno Cusbitaalka hallagu ganacsado suuragal maaha, waa inuu qofku degaa bar uu leeyahay ama goobaha Ganacsiga, waayo waxaannu samaynay Suuqyo ganacsi oo lagu ganacsado, halkanina waa Cusbitaalkii guud, dad Wadnuhu xanuunaya ayaa jiifa, dad badan oo bukaan ah ayaa jiifa, haddii maalin walba la yidhaahdo Sandaqad hallagu dul-dhiso socon mayso ee dhib bay keenaysaa.”

20140816_10164720140816_101625Intaasi ka dib Maayer Soltelco, waxa uu cadeeyey in goobtan oo halbowle u ah bilicda caasimada inay dawlad hoose ahaan maalgalinayaan oo laga hirgalinayo beer nasasho ah.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

 

No comments:

Post a Comment