Wednesday, August 6, 2014

Madaxweynaha Somaliland Oo Tacsi U Diray Qoyskii, Bahda Saxaafada Iyo Qaranka Uu Ka Geeriyooday Suxufi Waayo araga Ahaa Marxuum Cabdiwali Faarax Jaambiir

Hargeysa (Himilo) Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa tacsi u diray qoyskii iyo guud ahaan qaranka somaliland ee uu ka geeriyooday suxufiga ruug cadaaga ahaa ee ku geeriyooday caasimada Hargeysa Marxuum Cabdiwali Faarax Jaambiir illaahay naxariistii janno haka waraabiyee.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska af-hayeenka madaxtooyada Somaliland ayaa waxa uu u dhignaa sidan:-

 IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN


 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu tacsi u dirayaa Bahda Saxaafada, Shacbiga Somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii ee uu ka baxay Maareeyihii Wargeyska Ogaal Marxuum Cabdiweli Faarax Jaambiir oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay Suxufi door muhiima ka soo qaatay heerka saxaafada Dalku ay maanta taagan tahay,  waxaanu madaxweynuhu si gaara u tacsiyadaynayaa Walaalkii Muuse Faarax Jaambiir oo ka mid ah odayaasha Saxaafada Somaliland.

 

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ILLAAHAY uga beryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Bahda Saxaafada, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna  Samir iyo Imaan ha ka siiyo.

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment