Tuesday, August 12, 2014

Masuuliyiinta KULMIYE oo Duray Heshiis ay Sharci-darro iyo Siyaasad-xumo ku tilmaameen oo dhex-maray Xisbiyada Mucaaridka ah iyo Madasha Wada-tashiga

Hargeysa, 12 August, 2014 (Himilo)- Hoggaanka Xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE, ayaa duray, isla markaana sharci-darro iyo siyaasad-xumo ku tilmaamay qodobbada heshiis ay Axaddii toddobaadkan Huteel Ambassador ee magaalada Hargeysa ku kala saxeexdeen Masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaridka ah ee UCID, WADDANI iyo Siyaasiyiinta Madasha Wada-tashiga oo dhigaya in dawlad ku-meel-gaadha oo wadaag ah la sameeyo haddii ay doorashada Madaxtooyadu ka dib-dhacdo dhammaadka muddo-xileedka Madaxweyne Axmed-Siilaanyo badhtamaha sannadka soo socda ee 2015-ka.

SAWIRRADAGuddoomiyaha, Guddoomiye Ku-xigeenka iyo Guddoomiyaha Golihii dhexe ee hore ee Xisbil-xaakimka KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, Maxamed Kaahin Axmed iyo Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-Shabeel), ayaa Shir Jaraa’id oo ay Isniintii shalay ku qabteen xarunta dhexe ee Xisbigaasi ku leeyahay Caasimadda Hargeya, waxay ku sheegeen inay KULMIYE iyo Xukuumaddu diyaar u yihiin in doorashooyinku wakhtigooda ku qabsoomaan sannadka dambe, isla markaana aanay sharci ahayn dawlad wadaag ah iyo mid ku-meel-gaadh ah toona, iyagoo daba-socda heshiiska Mucaaridka dhex-maray.

“Waxay yidhaahdeen (Mucaaridka iyo Madashu) bisha December marka la gaadho waxa waajib ah in la sameeyo dawlad Wadaag ah, 27-kana (27/June/2015) waxaannu qaban-qaabinaynaa in la sameeyo dawlad wadaag ah, horta taas anigu Siyaasiyin iyo Sharciyan meel uu kaga jiro Sharcigeenna hadduu yahay Dastuurka iyo Xeerarkeenna ma hayo meel uu kaga jiro dawlad wadaag ah, siyaasiyan-na kuma jiro.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay Shirkaas Jaraa’id ee ay isaga iyo xubnaha kale shalay wada-qabteen.

Muuse Biixi waxa uu ka sheekeeyey in qaabka dhismaha dawladeed ee Somaliland noqonayo lagaga wadahadlay markii Somaliland seeska loo dhigayey ee halganka lagu guulaystay, isla markaana qaabab badan madasha la soo dhigay, balse keliya qaabka la xushay yahay qaabka Awoodda Madaxweynuhu leeyahay iyo Golayaasha kale ee Qaranka. Isla markaana aanu garanayn meel ay Masuuliyiinta Mucaaridku ka keeneen iyo sharciga ay u eegeen dawlad wadaag ah.

“Qodob kale ayaa yaal oo Xeerkeenna aynu dhigaynay iyo sharcigeennu sheegayaa, haddiiba duruufo ay yimaaddaan awooddeenna ka baxsan, yaa awoodda leh haddii wakhtigu ka dhammaado (Madaxweynaha) duruufo la dooran kari waayaana ay yimaaddaan, cidda aynu u xil-saarnay waa Guurtida, Madaxweynaha la weydiin maayo, Xukuumadda la weydiin maayo, Mucaarid la weydiin maayo, Muxaafid la weydiin maayo.” ayuu yidhi Guddoomiyaha KULMIYE.

Muuse Biixi waxa uu duray labada Xisbi Mucaarid ee UCID iyo WADDANI oo uu sheegay hadday doorashada ka rejo dhigeen inaanay dhib lahayn inay KULMIYE ku biiraan, ayaan-darro-se Dastuurka dalku aanu taas oggolayn, waxaanu yidhi; “Labada Xisbi ee Mucaaradka ah waxaan leeyahay, haddiiba ay Rejo la’aani u muuqatay oo ay ka rejo dhigeen Doorashadii oo aad leedihiin, Wallaahi Tacab badan iyo doorasho geli kari mayno ee Nimankaa KULIYE Isbahaysi iyo aynu Dawladda wada doonanno, dee malaha si ka Qurux badan ayaa loo odhan kari lahaa. Horta, Madaxweynuhu ama ka maanta jooga ha noqdo ama ku kale ee marka la doorto Xisbi baa doorta, labada Xisbi ee kalena way ku raacaan, Qaranka oo dhan buu sidaa ku metalaa, dabadeetana dawladdiisa xaq buu u leeyahay cidduu keenayo.”

Guddoomiyaha Xibil-xaakimka KULMIYE oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaas ku daray; “Dee taasi hawlba malaha haddaad doorasho ka rejo-dhigteen oo doonaysaan inaad halkan soo gashaan qaarkiin hawl male Wasiirul-daakhiliga maanta (Wasiirka arrimaha guduhu) shalay WADDANI buu ahaa, Wasiirano shalay UDUB bay ahaayeen, nin waliba markuu yimaaddo ee uu yidhaahdo KULMIYE iyo dawladdiisa waan ku qanacsanahay inaan la shaqeeyo kii sii joogay waa la mid uun Xaq buu u leeyahay, waa Muwaaddin, Madaxweynaha ayuun baa hawl-geliya.”

“Hawl malaha hadday doorasho ka daaleen, laakiin Dastuurkaan innoo oggolayn, ayaan-darradu waa taa. Dastuurku wuxu leeyahay waa in la helaa Xisbiyo badan oo tartama, si rayi badan loo helo, si dawladda loo ilaaliyo. Markaa, taana ha innaga dayicina baan leeyahay ee innaga daaya wadaagga, waayo? Ummad baa idin taageersan, waxaad ku ballan-qaaddeen Mabaaddi ka duwan ka KULMIYE, Sharciyo ka duwan iyo Siyaasad ka duwan, ma tii baad la soo guuraysaan oo ka tegaysaan oo KULMIYE ula imanaysaa? Dee KULMIYE kiisii ka tegi maayo.!” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo kale, Guddoomiye Ku-xigeenka KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, ayaa isaguna halkaas ka akhriyey qoraallada Heshiisyo kala duwan oo ay wada-galeen Saddexda Xisbi, Guddiga Doorashooyinka iyo Qaadhaan-bixiyeyaasha Somaliland doorashooyinka ka taageera. Waxaanu ka sheekeeyey Shirkii Wada-tashiga Qaran ay ugu yeedheen Xisbiyada Mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID sidii ay isaga qanciyeen Masuuliyiinta Saddexda Xisbi iyo Madaxweynuhu, isla markaana dhex ahaan ugu dhiibeen fulinta hawsha Shirkaas Akaademiga Nabadda iyo horumarinta, balse markii dambe ay ka baxeen Xisbiyada Mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI sida uu sheegay Maxamed Kaahin.

“Arrintu halkaasay marayso warka ay saaxiibbaday shalay (dorraad) soo saareen, cidda nala socotayna ay qolyihii oo dhan, caalamka iyo bulshada rayidka ah ahayd, waxa weeye iyagaa ujeeddo leh oo ka marmarsoonaya arrintii doorashooyinka. KULMIYE waa ka diyaar, Madaxweynaha waa ka diyaar, Komishanka doorashooyinka Madaxweynuhuna ma maamulo, Xisbil-xaakimkuna ma maamulo, saddexdayada Xisbi ayay sheekadani ka dhaxaysay.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, waxaanu ku dooday in cidda awoodda iyo qabashada doorashooyinka iyo cayimaaddooda leh ay qeexayaan Dastuurka iyo Xeerarka kale ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa uu Maxemed Kaahin sheegay inay wax badan KULMIYE ahaan diyaariyeen oo ay illaa oggolaanshaha iyo saxeexa Madaxweynaha Miiska soo dhigeen oo Mucaaridka iyo dhinacyada kale ee hawsha doorashadu khusaysaa wada og yihiin oo ay doorashada ula siman yihiin labada Xisbi ee kale.  “Qodobkani dhib buu ku leeyahay Qaranka, Dhib buu ku leeyahay Sharciyadda iyo Dastuurka aynu samaysannay, markaa waxaan leenahay Saaxiibbadayo doorashadu meel bay innaga taagnayde annagu diyaar baannu nahay ee haddaad idinku dib u gurateen oo aad KULMIYE ku soo biiraysaan, dee waynu ka wadahadli doonnaa, haddii kale doorashadaynu wada diyaarinay waynu wada ambaqaadaynaa diyaar u noqda.” Sidaa ayuu yidhi Maxamed Kaahin Axmed.

Gebo-gabadii Shirkaa Jaraa’id waxaa ka hadlay Guddoomiyaha Golihii dhexe ee hore ee KULMIYE Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-Shabeel), waxaanu sharraxaad ka bixiyey qodobbo Sharci, isla markaana waxaanu sheegay in Masuuliyiinta Mucaaradku gef iyo dembi ku galeen Qodobka 5-aad ee Go’aannada ay ku heeshiiyeen, kaasoo sheegaya in dawlad wadaag ah la samayn doono haddii Xukumaddu doorasho qaban waydo.

“Qodobkani Saddex Layn ayuu ka kooban yahay, Saddexa Laynba Sharci darro uun maahee waxaa ku jira Dambi. Waxay yidhaahdeen “IN XUKUMADDU EEDA YEELAN DOONTO HADDII DOORASHADU WAKHTIGEEDII KU QABSOOMI WAYDO” idinkaan idin waydiiyay ee Qof Dawarsanayaa Ikhtiyaar ma leeyahay? Dee waynu dawarsannaa Doorashada Lacagta lagu qabanayo mar Alle marka ay Lacagta Doorashada inna siiyaan qolyaha innaga Caawiya ee Nairobi fadhiyaa ayaynu Ikhtiyaar yeelanaynaa, waana Caddaalad-darro in waxaan dhicin ay eeddeeda cid u sii xambaariyaan.” Sidaa ayuu yidhi Jaamac-Shabeel.

Waxaanu Jaamac-Shabeel intaas ku ladhay oo yidh;  “Waxa kale oo ay yidhaahdeen; ‘waxa waajib noqon doonta marka la gaadho 26 june 2015-ka in la dhiso Xukumad Ku-meel-gaadh ah, Erayga ay isticmaaleen ee ah Waxa Waajib noqon doonta, isna waa Dembi, Awood aanay lahayn bay sheegteen. Horta, yaa wax waajibiya? Laba mid uun baa wax waajibiya Illaahay ka sakow, Xeerka iyo Dastuurku waxbuu waajibiyaa, Nin Awood badan oo Sidii Maxamed Siyaad Barre ahina wax buu waajibiyaa, Nin kale oo wax waajibin karaa ma jiro. Waxa waajib noqon doonta ayay leeyihiin, waxba Waajib noqon maayaan ayaannu leenahay, waana Sharci-darro iyo Hanjabaad.”

Himilomedia.com

No comments:

Post a Comment