Friday, August 8, 2014

Maxaa Lagu Xasuusan Karaa Maalmihii Nolosha Macallin MM KASTAM?-W/Q Garyaqaan Cabdiqadir Jiciir, Hargeysa - Somaliland

Magaca Eebbe ayaa xusid mudan, waxa mahad mudan Allah na garansiiyay. Inaanlilaahi wa inaa ilaahi rajucuun, kuli nafsin daaqati moowd, waa maalin Khamiisa oo Jimce soo galayo, taariikhdu waafaqsan tahay 12/06/2014, waxanu gurigiisii dhabtaa ku aasnay Xabbaalaha Xeedho No# 4338 Marxuun MM KASTAM. Ilaahay isaga iyo intii dhimatayba ha u naxariistee

Intii Illaahay iga qadaro, waxaan halkan ku soo koobayaa taariikh nololeedkii Maruum MM KASTAM, waxa uu ku dhashay Xaafadda Bilaajo-carab la yidhaa ee magaalada Muqdisho sannadku markuu ahaa 1969-kii, isaga oo waxbarashadiisii Dugsi Hoose/Dhexe illaa Sare uu ku dhammaystay isla Muqdisho, halka uu Jamacadiisiina u qaatay Wadanka Masar.

Markii Dawladdii Soomaaliya burburtay waxa u tagey Dalka Yemen, kadibna waxa uu sagaashamaadkii u soo dhaafay oo yimi Somaliland, isaga oo uu mihnadii saxaafadeed ka bilaabay Wargaysyadii Hargaysa ka soo bixi jiray sida Codka, markii dambena Jamhuuriya ayuu waqti dheer wax ku soo qori jiray, isaga oo la wax ku qori jiray Wargeysyo badan oo dalka ka soo baxa, sida Ex-Himilo, Sahan, Saxafi Hubaal iyo E-magazine, muddo dabdeedna waxa uu u wareegay TV-gii u horreyayay ee Somaliland oo wuu barmaajiyo farbadan oo xiiso leh uu ka soo dayn jiray muddo, isaga oo u sii dhaafay inuu Horn Ca­ble Tv soo sare ka ahaa Barnaamijyada ilaa uu Tafaftiraha ugu sarreeya uu ka noqday, markii danbana La-taliye ayuu u ahaa Mareeya guud Tv-ga Qaranka Somaliland.

Intaa waxa dheeraa qoraaladiisa buugaagta ee kow iyo laba iyo saddex iyo afarba ahaa ee uu ifka kaga tagey oo aan la iloobi karin iyo waliba aqoonyahannadii uu u tababaray Saxaafadda oo iyaguna ciidaa ka badan oo nolashooda baal dahaba uu kaga yaalay.

Waxaan xasuustaa muddadii aanu wada fadhiisan jirnay waxbarshada innaga oo halkaa wada fadhina ayaad digriigaaga aad soo qaadan doontaa waanay dhacday Illaahay mahadi ha ka gadhee, waxa uu ahaa nin jecel inuu da’yarta uga faa’iideeyo cimigiisa, isagoo wax adduuna ku xidhi jirin.

Sidoo kale, Marxuun MM Kastan, waxa uu ahaa nin deeqsi ah oo waxa uu hayo qofka u horreeya siiya, waxa uu ahaa qof haddaanu wax hayn oo aad la kulanto kuu amaah tageya, qof jecel inuu dadka dhibta la qaybsado, isagana hadday dhibi la kulanto aan laga dareemayn.

Waxaan xasuustaa maalin annaga oo wada taagan uu Nin sacad (amin) nala taagnaa oo uu markuu naga tagayay uu yidhi; “Ninkan kastan laba sacadood la taagnanda waa nin akhriya buug noofala (novel), ninka in badan la joogana maxaad u malaynaysaan?.”

Maahmaah uu hal-hays u lahaa waxay ahayeen;

1. Ilmahaga oo aad kalluun bisilsiiso waxa ka fii­can barista sida loo la soo baxo isagoo qaydh

2. Shan-berri Sheekh laguma noqdo

3. Calool dharagsan jirtay oo gaajootay wax weydii, calool gaajootay oo dhargtay waxba ha weydiin oo ah nin ku soo koray gaajo waxba ha weydiin ee nin dharag ku soo koray wax­walna soo arkay waxweydii

4. Ilmahaga caloosha ha u bixin ee madax u buuxi

5. Qofkaad doonayso inaad barto saxiibkii baro hortay find out hare

6. Adduunyadu iska noolow maaha ee waa macno u noolow

Marxuun MM Kastan waxa uu ahaa nin cibadada ku fiican, diintana aad u yaqaana, falsafadaha caalamka soo marayna aad u yaqaana, wax kastoo adduunka guudkiisana wax ka yaqaana, nin neceb siyaasadda, jecel wararka adduunka iyo ciyaaraha. Dhinac kasta oo ay noqoto nin aanay kala xiiso go’ayn qofka ay is-bartaan yar iyo weynba oo si ixtiraam leh ula dhaqmo.

Ugu dembeyn, Marxuun MM Kastan waxa uu ahaa nin jecel Reerkiisa iyo ubadkiisa, isla markaana ahaa Nin qaraabada xidhiidhiya, waxaan ku soo koobayaa inuu ahaa nin mucjiso ku ahaa Geeska Afrika oo intii Illaahay garan siiyaa ay garankarto. Illaahay naxiistii janno ha warbiyo isaga iyo ummadda Muslimkaba. Aamiin… Aamiin… Aamiin… Aamiin…

 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

 

No comments:

Post a Comment