Daraasad dhawaan lagu sameeyay dalka ingiriiska ayaa daaha ka rogtay faa’iido balaadhan oo ku jirta sarajooga ama taagnida oo maalintii ugu yaraan hal saac uu qofku ku qabto shaqada uu qabanayo ee maalin laha ah taas oo lagu ogaaday inay ka hortagi karto xanuuno badan oo ka dhasha fadhiga saa’idka ee qofku fadhiyo maalintii saacado badan oo kamida xilliyada shaqada.
Daraasadan oo ay sameeyeen khubaro ku takhasustay dhanka caafimaadka ayaa waxay ku sheegeen inay ku tijaabiyeen dad hawl wadeeno ah oo shaqooyin adag oo xafiis iyo kuwa guri iskugu jiraba hayay, taas oo ay kasoo baxday natiijo tilmaamaysa in sarajooga oo hawlaha shaqada lagu qabto ugu yaraan hal saac ama in kabadn maalinti ay kordhinayso firfircoonida qofka iyo inuu dareemo fudayd badan oo u suuragalin kara inuu shaqada muddo badan ku jiro.
Professor Kevin Fenton Ayaa waxa uu sheegay in daraasado hore loo sameeyay oo ku saabsanaa xanuunada ka dhasha fadhiga badan ee xilliyada shaqada lagu ogaaday inay ka hortag u noqon karto iyada oo qofka qaybo kamida shaqadiisa maalinlaha ah uu ku qaban karo qaab sarajoog ama taagni ah wakhti yar oo kooban,waxaana khabiirkan oo hogaaminayay khubarada daraasadan samaysay uu sidoo kale sheegay in daraasadooda ay ku ogaadeen in haweenku wakhtiyada ay ku guda jiraan shaqadooda maalin laha ah ee guriga dhexdiisa ay inta ugu badan shaqada ku qabtaan qaab saro joog ah isaga oo tusaale usoo qaatay xilliyada ay haweenku ku jiraan goobaha cuntada lagu kariyo, taasina ay daliil u noqon karto in hawl badan oo qaarkood ilaa xad adag yihin ay u fududaato maadama oo ay sarajoog ama taagni ka qabtaan shaqadaas.
Daraasadan oo dhawaan lasoo bandhigay ayaa waxay tilmaantay in xanuunada ka dhasha fadhiga badan ee xilliyada shaqada dhexdeeda oo ay kamid yihiin dhabar xanuun, kalyo xanuun, caajis iyo daal badan iyo arrimo badan oo kale ay khatar ku keeni karaan caafimaadka qofka iyo inuu sii wado shaqada uu ku guda jiro, sidaas awgeed ay lagama maarmaan tahay in dadka shaqooyin adag oo wakhti dheer ah qabtaa ay sameeyaan habkan ah sarajooga inay shaqooyinka qaar ku qaban karaan iyadoo ka hortag u noqonaysa xanuunada badan ee fadhiga iyo shaqada badani ay qabtaan.
Daraasadan ayaa sidoo kale lagu sheegay in qofka oo xarakaad iyo jimicsi ku dhex sameeya goobta shaqda dhawrkii saacba mar ay kor u qaadi karto firfircoonidiisa shaqo, isla markaan ay qayb wayn ka qaadato caafimaadka jidhkiisa iyo ta maskaxdaba,
Ugu danbayntii khubaradan darasadan sameeyay ayaa waxay ku taliyeen in dadka xilliyo badan oo maalintii ah qabta shaqooyin adag ay ka taxadiraan fadhiga badan, waxaana ay khubaradu ku taliyeen in jimicsi iyo dhaqdhaqaaq kooban qofku sameeyo xilliyada uu ku guda jiro shaqada.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment