Sunday, August 3, 2014

Maxaad Kala Socotaa Ujeeddooyinka Qarsoon Ee Yuhuuddu u Weerartay Marinka Qaza?

Qaza:Aug,03,2014(Himilo)-Weerarka wali socda ee Ciidamada Yuhuuddu ku hayaan shacanka jilicsan ee Reer Falastiin, ayaa wali si weyn la isu weydiinayaa inkastoo ay iyagu ku andacoonayaan inay la dagaallamayaan Hoggag ay xamaas dhulka Hoostiisa ka samaysatay.

h54Xaqiiqada ayaa la ogaaday inaanay taas ahayn oo ka duwan tahay, iyadoo ujeedaddu tahay in la jabiyo casiimada iyo adkaysiga shacabka Falastiin ee Gaza daga.

Dagaalkan ayaa la sheegay inaanu ahayn mid lagu qaaday muqaawamada ama ciidanka Xamaas ee loo yaqaano Cizadiin Al-Qasam. Istraatiijiyada Israa’il wuxuu ahaa inay shacabka aad u layso oo shacabka uu is-dhiibo oo ka horyimaado muqaawamada. Waa hadaf Isticmaari ah, hasa ahaatee aan meelna ku guulaysan.

 

Caqliga gumaysiga waligiiba wuxuu ku dhisan yahay Haddaad i diido waan ku dili, Hadaad i ogolaatana waan ku Dulaysan -, arintaana waxaa diida oo ka dhiidhiya dhalinyarada umadaasi. Diidmadaa ka dib, wuxuu bilaabaa gumaysiga inuu laayo shacabka oo aanu kala reebin mid ogolaaday iyo mid gumaysigiisa diiday toona. Maadaama aanu gumaysigu ka adkaan karin dhalinyarada muqaawamada ama halgamaysa, wuxuu ku talagalayaa inuu shacabka ka horkeeno marka uu si naxariisdarra ah u laayo.

Dagaalka ka socda Gaza waa midkaa, hase ahaatee natiijadii ay ka filaysay Israa’il kama aanay gaadhin, waxayna keentay inuu shacabkii Gaza oo ah shacab nool go’aansado geerida iyagoon taagin gacmaha.

Waxa lagu dhex arkay Dadka Reer Falastiin waalidiin loo keenay Maydadka Ubadkoodii oo ku dhintay Weerarka Istraa’iil, kuwaas oo Meydadka Wiilashooda ugu Hambalyeynaya inay shahiideen, Halka Waalidka laftiisa loogu Hambaylyeynayo  inay dhaleen Wiilasha Shahiiday oo aanay wax murugo ahi ka muuqanin.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment