Tuesday, August 5, 2014

Maxay Ka Wada-hadleen Weftiga IGAD iyo Shir-guddoonnada Baarlamaanka Somaliland?

Hargeysa, 05 August, 2014 (Himilo)- Wefti ka socda Urur-goboleedka IGAD oo uu hoggaaminayo Ergayga gaarka ah ururkaas u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey, ayaa shalay kulamo gooni-gooni ah oo albaabadu u xidhnaayeen la qaatay labada shir-guddoon ee baarlamaanka Somaliland.

IgaddWeftiga ka socda IGAD oo dorraad booqasho ku yimi dalka, waxa ay hore kulamo sidan oo kale ah ula qaateen xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Somaliland oo ay ka mid yihiin Wasiirrada Arrimaha Gudaha, Dibadda iyo Caafimaadka, iyaga oo ka wada-hadlay arrimo khuseeya dhinaca doorashooyinka la filayo inay dalka ka qabsoonto sannadka dambe iyo shir lagaga hadlayo arrimaha caafimaadka oo Somaliland lagu marti-qaaday.

Kulanka albaabadu u xidhnaayeen ee shalay dhex-maray IGAD iyo shir-guddoonnada Goleyaasha Wakiillada iyo Guurtida oo waxyaabaha ay kaga wada-hadleen aan si rasmi ah loo ogeyn, ayaa haddana labada dhinac oo saxaafadda la hadlay kulankooda ka dib, waxa ay sheegeen in ujeeddada kulankoodu ku saabsanaa arrimo khuseeya dhinacyada doorashooyinka iyo sii-xoojinta wada-shaqaynta u dhaxaysa Somaliland iyo urur-goboleedka IGAD.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa sheegay inay ka wada-hadleen weftiga IGAD sii-xoojinta wada-shaqaynta ka dhaxaysa Somaliland iyo urur-goboleedka IGAD. “Weftigu waa yimi, wanaag buu la yimi, wax aanu idinla qabanno ayuu la yimi, dee waan ka aqbalnay waanan ku mahadinaynaa, intaasaanu isla wadnay,” ayuu yidhi Guddoomiye Saleebaan.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida oo la weydiiyey in arrimaha Doorashooyinku ka mid ahaayeen waxyaabii ay ka wada-hadleen weftiga IGAD, ayaa dhinaca ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo, in kasta oo madaxa hoggaaminayey weftiga IGAD uu carrabka ku dhuftay waxyaabaha ay ka wada-hadleen Guddoomiye Saleebaan in doorashada iyo sidii wakhtigeeda loogu qaban lahaa ay ku jirtay.

Guddoomiye Saleebaan oo mar kale la weydiiyey inay ka wada-hadleen wefti qalalaasaha ka taagan gobolka Geeska Afrika, waxa uu ku gaabsaday, “Inla qaybsan mayno taa, haddii Odaygu (Mr Afey) wax idinka odhanayo, isagay u taalaa, laakiin aniga maya!” ayuu yidhi Guddoomiye Saleebaan.

Masuulka hor-kacaya weftiga oo ah Ergayga gaarka ah ee IGAD u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey, ayaa ka warbixiyey waxyaabaha ay ka wada-hadleen shir-guddoonnada Baarlamaanka, waxaanu yidhi, “Guddoomiyaha waanu ugu hambalyeynay doorka Guurtidu ku leedahay dimuqraadiyadda iyo nabadgelyada waddanka Somaliland, waxaananu ku boorinay inay sidaas iyo si kasii fiican u wataan hawshooda, waxaananu u sheeganay ka urur ahaan (IGAD) diyaar inaanu u nahay shacabka ku nool Somaliland inaanu la shaqaynayo waxay u baahan yihiin, sida abaabulka iyo isu-diyaarinta doorashada soo socota iyo inaanu diyaar u nahay inaanu wax kala qabanno sidii looga baahnaa inay u dhacdo.”

Sidoo kale, Weftiga ka socday IGAD waxa ay kulan la yeesheen guddoomiyaha Golaha Wakiillad Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo uu wehelinayo guddoomiye ku-xigeenkiisa labaad Md Cali Yuusuf, waxaanay ka wada-hadleen arrimo door ah oo khuseeya sidii IGAD gacan uga geysan lahayd taageero dhinac horumarinta ah oo ay Somaliland ugu deeqaan.

Ergayga gaarka ah ee IGAD u qaabilsan Soomaaliya Danjire Maxamed Cabdi Afey oo uu wehelinayo u Qaybsanaha dhinaca Caafimaadka ee IGAD Dr. Axmed  Xasan Mataan, waxa uu ujeeddada kulamada ay la qaadanayaan shir-guddoonada Baaralamaanka ku sheegay mid ay ku darsayaan baahiyaadka ugu muhiimsan ee ay tabayaan si ay warbixintiisu u hordhigaan Shirarka IGAD isla markaana ay wax uga qaban lahaayeen, sida lagu sheegay war-saxaafadeed laga soo saaray kulanka shalay dhexmaray labada dhinac.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa dhinaciisa waxa uu weftiga IGAD u bandhigay baahiyaadka haysta Golaha Wakiillada iyo sidii ay Urur ahaan uga taageeri lahaayeen xidhiidhada baarlamaannada dunida, tabobarrada Caalamiga ah iyo dhismeyaasha xarumaha baarlamaanka, sida lagu sheegay war-murtiyeed ku saabsan waxyaabihii kulankaas lagaga hadlay oo ka soo baxay Golaha Wakiillada.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

 

No comments:

Post a Comment