Friday, August 8, 2014

MUDANE MA I MAQASHAA? (SIR CAN YOU HEAR ME):Q1-W/Q HAMSE BAASHE MUHUMED

 “Maqaal(Article)  kasta oo aan qoraa wax uu ka turjumayaa xaalada dhabta ah ee uu ka hadlaayo, mana aha mid buun buunin ama beeni ku jirto, isla markaana maaha mid aan ka gaabsanayo ka hadalkiisa”

Maqaalkan waxaan kaga hadlayaa in dawladeena aynu ku baarujino in xilka ay hayaan uu turxaan badan yahay misna hore loo sheegay in ninka xilqaaday uu eed qaaday oo uu xil guntaday, taasina waxa caddayna shacabka oo cabashada ay ku hayaan dawladu ay tahay mid maalinba maalin kasii badan tii hore, shalay dadku waxay ka hadlayeen biyo la’aan,laydh la’aan iyo waddoyin la’aan laakiin maanta waxa intaas u raacaday Cashuurtii oo lugu kordhiyey iyo waddanka oo aan dhaqaale lahayn.

Mudane hadii xaalada dalku ay tahay mid maalinba maalin kasii daraysa xaga dhaqaalah iyo horumarka ma kula tahay in aad bulshada la hadashid oo aad fariin u dirtid isla markaana qaadid talaabo Qaran oo dhalinta jaamacadaha ka soo qalin jabiyey ee muddada sanaddada badan wax baranaayey in aad ku jihaysid sidii dhaqaalaha dalka kor loogu qaadi lahaa oo laga faa’iidaysto awoodan cusub ee dhalinta waddanka ku nool hadda haddii ayna iyaguna kaba bixin oo aanay raacin talaabadii kuwii hore ee markii la jihayn waayey iyagu waddo khaldan isku jiheeyey.

Muddane qodobka 11aad ee Dastuurka qaranku waxa uu tilmaamayaa Dhaqaalaha waddanka isla markaana xaqiijinayaa in kobcin iyo shaqo abuur la sameeyo  waxa uuna u qoran yahay sidan “Si loo xaqiijiyo kobcinta wax-soosaarka, kor u qaadidda heerarka nolosha, abuuridda goobo shaqo, iyo guud ahaan horumarinta dhaqaalaha dalka, dawladu waxay dejinaysaa siyaasadda guud ee dhaqaalaha, oo ku salaysan mabaadii’da suuqa xorta ah iyo isgarabsiga hantida gaar ahaneed, hantida wadareed,hantida qaranka iyo maalgelinta shisheeyaha” muddane qodobkan intiisa ugu muhiimsan ee ah xaqiijinta iy kobicnta shaqo abuur, sida la rumaysan yahay kamay hirgelin waddanka.

Haddaba maxay dawladu iyada ayaa waddanka dhaqaalihiisa maamusha ee dawlada laf ahaanteedu u maal-geshan wayday waddanka oo warshado waxsoosaar oo faa’iido u leh  shacabka ugu samayn weyday, isla markaan ooga faa’iidaysan weyday xoogan dihin ee dhalinta waxbaratay iyo kuwan muruqa iyo awooda leh ee wixii loo diraba  kasoo baxay, misna miyeyna ahayn in dawladu bilawdo mashuruucyo iskaa wax u qabso ah oo dadka lugu guubaabinayo in ay wax qabsadaan oo waddankooda ka faa’iidaystaan.

Muddane Ma amar iyo xogo dheeraad ah oo aan la fulin Karin ayey u baahan tahay hadii dhalinta meelaha xun-xun fadhida ee qaadka iyo sigaarka ku cunaysa hadii looga faa’iidaysto waxqabad guud oo iskaa wax-qabso ah isla markaana la hor kaco oo Wasiirada xilalka haya iyo Agaasimayaashu hormuud ka noqdaan Adiguna aad noqotid Guddoomiye guud oo dusha ka maamula.

Haddaba gacmo wadda jir bay wax ku qabtaane, dadka shacabka ahi gaar ahaan dhalinyaradu waxay  yidhaahdaan xoogaygii iyo cilmigii aanu soo baranay waxa aanu ugu faa’iidaynaynaa waddankan aan u dhalanay ee aanu iska leenahay, xaga dawladuna tidhaahdo waxsoosaarka waddanka ha ka faa’iidaystaan dhalinyarda iyo bulshada shacabka ahi oo waddankooda ha ka shaqaystaan; is waafajinta(iskubeega) labadan ayaa ah mid muhiim u aha bulshada iyo dawlada.

Lasoco qaybta 2aad..........................................................

 

W/Q: HAMSE BAASHE MUHUMED

STUDENT AT ALPHA UNIVERISTY COLLEGE

E-MAIL: Xamse18@gmail.com

HARGEISA SOMALILAND

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment