
Inta uu booqashada ku joogo Somaliland Nicholas Kay wuxu la kulmi doonaa Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, Wasiirka Arrimaha Dibedda Maxamed Biixi Yoonis iyo Wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta Dr. Sacad Cali Shire si ay uga wada hadlaan fursadaha lagu kordhin karo waxqabadka Qaramada Midoobay ee dhinaca nabadda, xasiloonnida, iyo horumarka dadka reer Somaliland.
“Somaliland sannadihii u dambeeyey waxay samaysay horumar baaxad weyn taas oo ay Xukuumadda iyo dadkuba u qalmaan in si dhammeystiran loogu ammaano. Waan ka mahadcelinayaa fursaddan la ii siiyey si aan u daraaseeyo qaabka loo sii kordhin karo loona xoojin karo wada-shaqayn dhex marta UNSOM iyo maamulka Somaliland, taas oo dan u ah dadka” ayuu yidhi Md. Kay.
Xidhiidhka Somaliland iyo Kay ayaan fiicnayn muddooyinkii ugu dambeeyey, waxase dhawaan khilaafka arrimaha bari ka taagann dartii ay Somaliland sheegtay inay Wakiilka ku casuuntay Somaliland si ay u kala qaataan warbixinno dani ugu jirto labada dhinacba.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment