Saturday, August 9, 2014

Nuxurka Kulan Hargeysa ku dhexmaray Guddoomiye Cirro iyo Wefti Reer Galbeed ah oo Dalka Ku Sugan

Guddoomiyaha oo todobaad gudihii kulamo dhowr ah la qaatay Wufuud Ajaanib ah

 

Hargeysa, 09 August, 2014 (Himilo)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa kulan la yeeshay weftiga balaadhan oo ka socda dalka Sweden, kuwaas oo dalka soo gaadhay todobaadkii hore.

kulan 6Weftiga oo ka tirsan Hay’adaha aan dawliga ahayn ee dalka Sweden oo muddo laba malmood ah safar indha indhayn ah ku joogi doonaya dalka, ayaa dorraad Khamiistii dalka soo gaadhay, waxaana hoggaaminayay Mr Abe Ibraahim oo ah maalqabeen asal ahaan ka soo jeeda Somailand oo muddo dheer deganaa dalka Sweden.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa weftigan oo ka kooban sagaal xubnood kulan casho ah kula yeeshay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa habeen hore, waxaanay xubnaha weftigu guddoomiyaha u soo bandhigeen ujeeddada uu daarran yahay socdaalkooda oo ay sheegeen mid la xidhiidha indho-indhayn iyo daraasadayn ay ku samaynayaan caasimadda.

Hoggaamiyaha weftiga Mr Abe Ibrahim oo ku hadlayey afka weftiga reer Sweden, ayaa sharxay ujeeddada safar ay ku yimaaddeen, waxa uu sheegay in kulankooda guddoomiye Cirro uu bilow yahay wada-shaqayn ay la yeelan doonaan Golaha Wakiillada.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee  Waddani ahna Guddoomiyaha Wakiillada Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa weftiga uga mahad-celiyey kulankooda, waxaanu uga warbixiyey marxaladihii kala duwanaa ee Somaliland soo martay iyo xaaladd wakhtigan, isaga oo uga mahad-celiyey socdaalka ay ku yimaaddeen dalka. Sidoo kale, Guddoomiye Cirro waxa uu soo dhaweeyay wada-shaqaynta ay kaga dhawaajiyeen weftigu inay la yeelan doonaan Golaha Wakiillada.

Marka laga yimaaddo qodobbada sare ku xusan ee kulanka dhexmaray labada dhinac, ma jirto faahfaahin intaas dheer oo sheegaya waxyaabaha kale ee guddoomiye Cirro kala hadlay weftigan oo safarkoodu noqonayo markii u horeysay ee dalka yimaaddaan.

Sidoo kale, Md Cabdiraxmaan Cirro waxa uu todobaadkii hore kulan gaar ah oo warbaahintu dibad-joog ka ahayd xafiiskiisa kula qaatay wefti ka socda Urur-goboleedka IGAD oo socdaal shaqo dhowr maalmood ku joogay dalka.

Weftiga IGAD oo hoggaaminayey Ergayga gaarka ah ee IGAD u qaabilsan Soomaaliya Danjire Maxamed Cabdi Afey iyo u-qaybsanaha Arrimaha Caafimaadka Dr. Axmed  Xasan Mataan, waxa uu guddoomiye Cirro u soo jeediyey inay Somaliland ka caawiyaan ka-gudbista caqabado uu carrabaabay oo ku gedaaman doorashooyinka ka dhaca Somaliland, isaga oo ka codsaday inay goob-joogeyaal u soo dirsadaan doorashooyinka la filayo sannadka dambe inay ka dhacaan dalka.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

 

No comments:

Post a Comment