
Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud oo ugu horrayn Nuxurka Kulanka faahfaahiyey, ayaa sheegay inuu Wakiilku ugu yimi sidii somalilad wax badan loola qaban lahaa,
“Safiirku wax aan idin la qabano ayuu la yimid, dee Anaguna waanu ka aqbalay, waanuna ku mahadinaynaa. Intaas ayaanu isla wadnay, idina nagu raacde ayay ila tahay’” ayuu warbaahinta u sheegay Gudoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan.
Wakiilka IGAD ee Somallia Maxamed Cabdi Afey, ayaa sheegay inay Gudoomiyaha ugu hambalyeeyeen doorka Guurtidu ku leedahay Dimuqraadiyada Somaliland “ Gudoomiyaha waanu ugu hambalyaynay Doorka Guurtidu ku leedahay Dimuqraadiyada iyo Nabad gelyada wadanka Somaliland. Waxaanu ku boorinay inay sidaasi iyo si ka sii fiican u wataan Hawshooda. Waxaanu u sheegnay in Urur ahaan aanu diyaar u nahay in Shacabka Somaliland aanu la shaqayno iyo inaanu kala shaqayno Abaabulka iyo u diyaar garawgga Doorashada soo socotaa, sidii ay ugu dhici lahayd sidii loogu tala galay.” Ayuu yidhi Ambasador Maxamed Afey.
Weftiga Ururka Goboleedka IGAD ee wadamada Geeska Africa ku bahoobeen ayaa Shalay kulamo la yeeshay Wasiiro Xukumadda ka tirsan, iyagoo sheegay in Somaliland ay kala shaqaynayaan Dhinaca doorashada oo Geeska Africa Muhiim u ah iyo Caafimaadka.
Weftiga ayaa kulamo la qaadanaya Madaxweynaha Somaliland iyo ku xigeenkiisa sida wasiirka khaarajigu shalay sheegay. Waa markii u horaysay ee uu Weftigani Somaliland yimaado, iyadoo u muuqata in Xidhiidh cusubi u bilawday Somaliland iyo IGAD.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment