Sunday, August 17, 2014

Qodobbada ku jira Ajandaha Kalfadhiga 25aad ee G/Wakiillada oo Mudaneyaashu shalay Ansixiyeen

Hargeysa, 17 August, 2014 (Himilo)- Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa maanta ansixiyey Ajandaha Kal-fadhiga 25-aad oo ay qodobbadiisa ku jiraan hirgelinta iyo curuinta Xeerar kala duwan oo muhiim ah.

indexFadhiggii shalay ee Golahaa oo uu guddoominayey Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Wakiillada Md. Baashe Maxamed Faarax, ayay ka soo qaybgaleen 47 Xildhibaan oo ka tirsan 82-ka Mudane ee Golahaas, waxaanay Mudanayaashu u codeeyeen Ansixinta Ajandaha Kal-fadhigooda 25-aad oo dhawaan furmay.

Guddoomiyaha oo soo jeediyey in loo codeeyo Ansixinta Ajandaha waxaana oggolaaday in la ansixiyo 42 Xildhibaan, 3 Mudane ayaa diiday, hal Xildhibaan-na wuu ka aammusay, Guddoomiyuhuna muu codayn, sidaas ayaanu ku ansaxay Ajandaha Kal-fadhiga 25-aad ee Golaha Wakiillada Somaliland sida uu Guddoomiye Ku-xigeen Baashe sheegay codaynta ka dib.

Golaha ayaa Ajandahan oo ka kooban 10 Xeer ku hawl-geli doona inta uu socdo Kal-fadhiga 25-aad ee Wakiilladu. Xeerkaas oo uu ka mid yahay hirgelinta Xeerka Diiwaangelinta Madaniga ah iyo ta Cod-bixiyeyaasha doorashooyinka Somaliland oo ay Salaasadii toddobaadkii hore Golaha Wasiirrada ansixiyeen.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

 

No comments:

Post a Comment