Monday, August 18, 2014

Reer Boqorka Sucuudiga Oo Lagu Dhacay Faransiiska Dhexdiisa

Paris:Aug,18,2014(Himilo)-Mid ka mid ah Baabuurta Gaadiidka ay Leeyihiin Qoyska Boqortooyada Dalka Sucuudiga ayaa Xalay Dhac Loogu Geystay Caasimadda Dalka Faransiiska ee Paris.

hdacKoox budhcad ah oo si aad ah u hubeysan ayaa qafaashay gaadiidkii waday qoyska kasoo jeeda Boqortooyada Sucuudiga oo laga dhacay lacag gaadheysa $335.000 (sadex boqol iyo sodon iyo shan kun oo dollar) iyo waliba qoraalo xasaasi ah.

 

Weerarkan ayaa ka dhacay deegaanka Porte de la Chapelle ee waqooyiga Paris xili ay Qoyskani kusii jeedeen Airporka Le Bourget habeenimadii Axada.

Booliiska ayaa sheegay in la afduubay baabuur kamid ah 10 gaadiid ah oo galbinayey qoyskan, waxaana baabuurkaasi Marcedeska ah saarnaa sadex qof, waxana la sheegay inay Budhcaddu wateen  laba gaadhi oo ah nooca BMW.

Baabuurkii la afduubay iyo gaadiidkii buducada wadatay ayaa mar danbe laga helay tuulada Saint-Mesmes oo ku taal waqooyi bari magaalada Paris.

Kooxda budhcada ah ayaa hore usii gubay gaadiidka inta aanay baxsan iyagoo siidaayey sadexdii qof oo ay qafaasheen.

Xubno kamid ah qoyska Boqortooyada Sucuudiga ee dhaca loo geystay ayaa sheegay in lacagta laga dhacay ay ka darantahahay Waraaqo iyo dokumentiyo xasaasi ah oo ay budhcadu hore usii qaateen.

Kooxda falkan geystay ayaa la sheegay inay ahaayeen budhcad si aad ah u hubeysan oo xog dhameystiran ka heysatay dhaq dhaqaaqa qoyska boqortooyada Sucuudiga ee dalxiiska u tagay dalkaasi Faransiiska.

Booliiska France ayaa sheegay in ay weli baadhayaan cida ka danbeysa weerarkan, wallow la sheegay in cidna aanay ku dhaawacmin weerarkan.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment