
Siciid Jaamac waxa uu tilmaamay inay sidoo kale Uga warrameen Baahiyaha ay qabaan iyo awoodaha uu Distoorku sida gaarka ah u siiyey Golaha, “Ugu horrayn waxanu ka wada Hadalnay golahan guurtida iyo habkii uu usoo aasaasmay iyo Hawlahha uu qabto iyo Awoodda uu distoorku siinayo iyo waliba Baahiyaha uu goluhu u baahan yahay in laga gacan qabto.” Ayuu yidhi Guddoomiye Siciid Jaamac, waxana uu intaas raaciyey in Beesha uu kasoo jeedo Hartiga Maanta Shir gaar ah la leedahay Wakiilka, kaasoo wax badan ay kaga hadli doonaan
“Annagu Beel ahaan haddaanu Nahay Hartiga maanta ayaanu shir gaar ah la leenahay wixii aanu ka Odhan lahayn arrimaha sool shirkaas ayaanu u daysanay.” Ayuu yidhi Guddoomiyuhu.
Waxa uu Guddoomiye Siciid Sheegay inay sidoo kale wakiilka Qaramadaa Midoobay ee Somalia iyo Somaliland Nicholas Kay kala Hadlay arrimaha ka taagan Xuduudaha Bariga Somaliland iyo Mawqifka Somaliland ka taagan tahay, waxanna uu yidhi,
“Waa lagala hadlay arrimaha ka jira xuduudaha iyo dhibaatooyinka ka jira meelaha yar yare e Hadda la samaystay iyo Somaliland mawqifka ay ka taagan tahay.”
Nickolas kay ayaa la filayaa inuu Shirar kala duwan la yeesho Beesha Hartiga oo iyadu degta Bariga Somaliland, waxana wararku sheegayaan in shirkaas Wakiilka iyo Beesha dhex mari doona ay xukuumaddu dadaba ka riixayso, maadaama uu jiro shaki ah inuu wakiilku sido farriin ay dhegta u soo saareen Xubno kasoo jeeda Gobolada Bariga Somaliland oo ku jira Maamulka Puntland.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment