Tuesday, August 19, 2014

Shirgudoonka Golaha Wakiilada Somaliland Oo Kulan La Yeeshay Nicholas Kay

Hargeysa (Himilo) Shirgudoonka golaha wakiilada Somaliland ayaa xarunta golaha wakiilada Somaliland ee caasimada hargeysa kulan gaar ah kula yeeshay ergayga gaarka ah ee xoghayahay guud ee qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somalia oo laba maalmood ku sugnaa dalka somaliland.
Kulankan oo ayaa sidii uu u dhacay iyo waxyaalihii labada dhinac iska xogwaraysteen ayaa lagu soo bandhigay warbixin ka soo baxday golaha wakiilada.
Warbixintaasi oo dhameystirani waa tan:-

shirgudoonka wakiilada iyo nicholas kay 2Waxa saaka uu kulan ku dhexmaray Xarunta Golaha Wakiilada Shirgudoonka Golaha Wakiilada oo uu weheliyo Xoghayaha Guud ee Goluhu iyo wafti uu hogaaminayo Madaxa UN-ka Hawlgalka Somalia iyo Somaliland Nicolas kay.

shirgudoonka wakiilada iyo nicholas kay 1shirgudoonka wakiilada iyo nicholas kay 3Kulankan oo ahaa mid arrimo farabadan laysla soo qaaday ayaa waxa furay shirka Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane Cabdiraxman Maxamed Cabdillaahi (Cirro) kaas oo kala hadlay u qaybsanaha arrimo ay ka mid ahaayeen:
Qadiyada Somaliland isaga oo carabka ku adkeeyay in aan markastaba arrinta Somaliland Madaxbanaanideedu ay tahay mid aan inaba wax gor-gortan laga galayn.

Waxa kale oo uu Guddoomiyuhu uga waramay in Somaliland ay hayso wadada horumarka iyo Dimuquraadiyada taas oo loo baahan yahay in kor loo sii qaado.
Waxa sidoo kale uu sheegay in ay jiraan arrimo u baahan in wax laga qabto oo Somaliland hada culays wayn ku ah taasoo ay kamid tahay shaqo la’aanta dhalinyarada Somaliland oo badankoodu aan maanta wax shaqo ah heli Karin.
Xaga nabadgelyada ayuu sidoo kale Guddoomiyuhu sheegay in ay u baahan yihiin in UN-tu wax kala qabato, sidoo kale arrinta doorashooyinka ayuu sheegay Guddoomiyuhu in ay Somaliland ka caawiyaan oo ay u soo diraan Goob-joogayaal. Waxa kale oo uu ka waramay Gudoomiyuhu in Xeerkii diiwaangelinta ay ansixiyeen Golaha wasiiradu iyadoo dhawaana la horkeeni doono Goleyaasha sharci dejinta oo lagu dhamayn doono muddo Saddex toddobaad ah.
Dhinaca kale waxa uu Guddoomiyuhu kala hadlay in khilaafaadka Xaga Xuduudaha ee ka dhaxeeya Somaliland iyo wadamada jaarka ah, uu aaminsanyahay in lagu dhameeyo sida ugu wanaagsan ee wada hadal ah. Sidoo kale waxa uu Guddoomiyuhu u cadeeyay in ay taageersanyihiin wada hadalada Somaliland iyo Somalia oo ilaa hada arrimaha laga gaadhay ay ka mid tahay arrinta Xaga hawada taas oo hada dawlada Somalia ay ka baxday taas oo uu Guddoomiyuhu sheegay in loo baahanyahay in la hirgaliyo, si ay wadahadaladu hore ugu sii socdaan. Iyo in loo baahan yahay in la balaadhiyo kasoo qayb galayaasha shirarka sidii ay markii horeba ku bilaabmeen taas oo ay kasoo qayb gali jireen wadamo kale meesha shirka lagu qabanayo.
Intaas kadib waxaa isna hadalka la wareegay Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Wakiilada mudane Cali yusuf Axmed oo isna ka waramay Qadiyada Somaliland iyo sida ay lama taabtaanka u tahay, waxaanu sheegay in waxyaalaha ay Somaliland nabadgalyada u tahay ay ka mid tahay inay maanta Xoriyada buuxda haysato oo ay ka go’day Somalia, kadib markii midawgii Somalia ay Somaliland ku khasaartay ee ay kala kulantay Xasuuq.
Sidoo kale waxa uu Guddoomiye Cali yusuf tusaale usoo qaatay in ay jiraan wadamo si nabadgelyo ah u kala go’ay sida wadankii la odhan jiray Checkslovakia oo hada noqday Check Republic iyo Slovakia sida la arkayna ay hada ka wanaagsanaadeen markii laysku jiray, waxa kale oo uu Guddoomiyuhu soo qaatay in aanay suuragal ahayn in dadkii isku qoomiyad ahiba ay hal dal yeeshaan taasna aanay ahayn wax suuro galaya.
Intaas kadiba waxa hadalka lagu wareejiyay Madaxa hawlgalka Qaramada midoobay ee Somalia/Somaliland kaas oo ugu horayn sheegay in Xafiiskiisu uu leeyahay laba qaybood qaybta siyaasada iyo qayb bini’aadanimo, iyadoo uu sheegay in qaybta siyaasadu aanay ka shaqaynin Somaliland, balse UN-tu ay Somaliland joogtay muddo aad u dheer isla markaana ay Somaliland kala shaqaynaysay arrimaha bini’aadamnimada.
Waxa uu sheegay in UNSOM ay leedahay qaybo faa’iido u yeelan kara Somaliland oo ay doonayaan inay kala shaqeeyaan sida:
• Arrimaha Gender-ka
• Saxaafada
• Arrimaha Bini’aadamnimada
• Dhismaha hay’addaha Dawladeed
• Nabadgelyada
• Cadaalada
• Police-ka
• Sidoo kale waxa uu Nicolas kay ku aamay Somaliland nidaamka dimuquraadiyadeed ee ka jira Somaliland kaas oo uu sheegay inay tusaale u tahay wadamo farabadan oo ay somaliyana ku jirto.
Waxa uu sheegay inay dhiirigalinayaan wadahadalada Somaliland iyo Somalia iyagoo ku dadaali doonaan in arrimaha kasoo baxa si la fuliyo. Balse uu isagu usoo diran doono dad uga soo warama xafiiskiisa arrimah doorashada.
Arrinta xaga Goobjoogayaasha wax uu sheegay in xafiiskiisani aanu go’aamin Karin xafiiskiisu balse ay tahay in Xubnaha Qaramada midoobay ay ogolaadaan.
Sidoo kale waxa uu sheegay inay dhiirigalinayaa wadahadalada Turkiga dhawaan in dhakhso loo bilaabana ay ka shaqaynayaan isagoo sheegay in arrinta Guddoomiyuhu ka dhawaajiyay ee ah in la balaadhiyo goob joogayaashana laga hadli doono.
Sidaas ayuu kusoo gabagaboobay kulankii shirgudoonka Golaha Wakiilada iyo Madaxa Xafiiska UNSOM.
SOURCE: GOLAHA WAKIILADA
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment