Thursday, August 21, 2014

Shirkad Nooceedu Ugub ku yahay Mandaqadda Geeska Afrika oo Hargeysa lagu Daah-furay

Shirkadda Save & Rest Tourism, Travel & Documentary iyo adeegyadeeda

Hargeysa, 21 August, 2014 (Himilo)- Waxaa Shalay magaalada Hargeysa lagu daah-furay shirkad nooceedu dalka ku cusub yahay oo la magac baxday Save & Rest Tourism, Travel & Documentary, taas oo bulshada u qaban doonta adeegyo kala duwan muhiimad u leh shacabka ku dhaqan dalka iyo mandaqadda Geeska Afrikaba.
Shirkaddan oo ah mid la talaabsanaysa adeegyada Casriga ah ee xilligan dhinacyada duulimaadyada Diyaaradaha, diyaarinta fiisooyinka, Dalxiiska iyo Barnaamijada taariikhiga ah oo leh muuqaal iyo Qoraalba.
Save and Rest Tourism Travel Agency 100x100 SDShirkaddan oo noqonaysa tii ugu horeysay nooceeda ee adeegyadan u wada-diyaarisa oo dadweynaha ku dhaqan Somaliland iyo Soomaaliya dhib badan ka mudan jireen, ayaa shalay lagu daah-furay magaalada Hargeysa.
Guddoomiyaha Shirkadda Cabdiraxmaan Siciid Maxamed oo sharraxayey muhiimadda ay adeegyada shirkaddu u yeelan doonto bulshada iyo sababihii ku dhaliyey inay hindisaan aasaaskeeda, ayaa yidhi, “Waxay shirkadani fududayn doontaa dhamaan helida tigidhada caalamiga ah meel kasta oo aad aduunka u socdaalayso, dalxiisyada dalka Somaliland iyo Somalia, helida fiisooyinka wadamo miihiim u ah dadkeena sida fiisooyinka waxbarashada iyo kuwa caafimaadka, helida dhukmantiyo ka hadlaya taariikho kala duwan oo ka jiri jiray dhulka Somaliland” ayuu yidhi Cabdiraxmaan.
Maamulaha shirkadda Save & Rest Mr Cabdiraxman Siciid Maxamed waxa uu ugu bushaareeyey dhamaan shacabwaynaha reer Somaliland iyo umadda Soomaliyeedba in ay heli karaan tigidhadii ay u doonan jireen Dubai ama Nairobi ee loogu dhoofi jiray wadamada ka baxsan Geeska Africa, waxa uu sheegay in shirkadda Save & Rest ay xubin ka tahay xubin ka ah ururka IATA oo ay ku bahoobeen in ka badan 200 oo diyaaradood oo heer caalami ah.
Sidoo kale wuxuu ugu bushaaranayaa ardaydii dhibta ka mudan jiray helida fiisooyinka waxbarasho heer walba oo isla markaana ay keeneen fiisayaasha ilaa siddeed waddan oo si fudud ay ku heli karaan. Waxa kale oo uu ugu bushaareeyey inay dalka u keeneen dadka dhibta ka mudan jiray raadinta fiisooyinka caafimaadka wadamada Maleesiya, Turki, Itoobiya, Sudaan iyo magaalada Dubai ee waddanka Isu-tagga imaaraadka Carabta, kuwaas oo uu xusay inay si fudud u heli karaan fiisooyinkooda.
Iyada oo dalka hore uga jireen shirkado qabta qaybo ka mid ah adeegyada noocan ah, haddana shirkadda Save & Rest Tourism, Travel & Documentary, ayaa noqonaysa tii ugu horeysay nooceeda ee mar kaliya adeegyada u wada qabanaysa bulshada.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment